Labada dhinac ayaa heshiiska ku sheegay in dowlada Mareykanku ay bixineyso lacag dhan 1.9 milyan dolar, oo lagu horumarinayo shaqooyinka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee uu qabanaayo.Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane iyo Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya McAnulty ayaa iyagu saxiixay heshiiskaasi laba geesoodka ah, oo loo qoondeeyay lacag dhan 1.9 milyan oo doolarka Mareykanka ah.
Lacagtaasi maraykanku bixinaayo ayaa dib loogu habeeynayaa qaybaha amniga Qaranka, iyada oo lagu qarash gareynayo mashaariicda horumarinta Booliska Soomaaliyeed si sare loogu qaado howlaha ay qabanayaan.
Dhinaca kale Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wada shaqeeyn doona mashaariicda lagu kordhinayo awoodda ciidamada Booliiska, si ay uga hortagaan wax kastoo liddi ku ah amniga dalka Soomaaliyeed.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment