Wednesday, August 13, 2014

Wasiir Samaale oo sheegay inay Ahmiyadda koowaad ee Miisaaniyadda 2015-ka ka dhigeen Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta

samaaleHargeysa, 13 August, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka wadahadlay hirgelinta iyo diyaarinta Kharashaadka doorashooyinka Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ugu jirta Miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2015-ka, taasoo muhiimaddeeda laga dhigay lacagta doorashooyinka ku bixi doonta sida uu sheegay Wasiirka Maaliyaddu.

Kulankaas oo xarunta Golaha Wakiillada Dhismaha Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa ku dhex-maray Wasiirka Maaliyadda, Xubno Wasaaraddiisa ka tirsan oo dhinac ah iyo Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ahaa mid Albaabbadu u xidhnaayeen, balse markii ay dhammaysteen kulankooda waxa Warbaahinta uga warbixiyey ujeeddadiisa iyo waxay kaga wadahadleen Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Wakiillada Xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan (San-wayne).

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Cumar Axmed Saleebaan (San-wayne) oo faahfaahiyey waxay ka wadahadleen Wasiirka Maaliyadda iyo waxa uu u sheegay, waxa uu yidhi; “Maanta (shalay) waxaannu ka wadahadalnay Oddoroska Miisaaniyadda 2015-ka, aad iyo aad baanan ugu mahad-celinaynaa Wasiirka iyo Shaqaalihiisa, iyada oo maanta aynu marayno bishii August Oddoroskii Miisaaniyadda la bilaabay..Waxa muhiimka ah ee maanta (shalay) Wasiirku uu noo sheegay waxa weeye doorashooyinkii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, tii diiwaangelinta iyo tii diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu intuba inay ku jiraan Miisaaniyadda sannadka 2015-ka, waa war wanaagsan oo aannu doonayno inaannu Warbaahinta iyo ummadda-ba u sheegno.”

Xildhibaan Cumar San-wayne waxa uu sheegay inay ku dedaalayaan gudashada Masuuliyadda ka saaran arrimaha doorashada, waxaanu yidhi; “Annaguna waxaannu ku dedaalaynaa haddii Illaahay ka dhigo in aanay habsaamin arrimahaa doorashooyinka 2015-ka, waayo? Hadal badan baa ka jira beryahan. Laakiin, Wasaaradda Maaliyadda iyo Baarlamanka masuuliyadda naga saarani waxa weeye inaannu lacagtaas deg-deg u baas-garaynaa, Shuruucdeedana baas-garaynaa, labadubana Miiskay saaran yihiin.”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaguna dhiniciisa si faahfaahsan uga hadlay waxyaabaha ay kulankaas kaga wadahadleen, waxa uu yidhi; “Kulanka ee Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Maaliyadda aannu ku kulannahay halkan waxaannu runtii kaga wadahadalnay Oddoroska Miisaaniyadda 2015-ka iyo mudnaanta Wasaaradda Maaliyadda ee 2015-ka oo ah arrinta mudnaanta koowaad lihi ay tahay inaannu ku darnay Lacagta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka oo ay soo gudbiyeen Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ay ku qiimeeyeen Lacagta dawladda laga rabo saddex Milyan oo Doollar, saddexdii Milyanna gelinnay Misaaniyadda 2015-ka.”

Wasiirka Maaliyadda Somaliland waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Sidoo kale, labada doorasho ee Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo labaduba ku muddaysan yihiin 2015-ka, iyagana Kharashkii (Bajadkii) ay noo soo gudbiyeen Guddiga doorashooyinka Qaranku in sideedii aannu u gelinnay Miisaaniyadda. Markaa, runtii Guddiga Dhaqaalaha waxaannu isla falanqaynay mudnaantaa koowaad ee sannadka 2015-ku inuu yahay sannad doorasho Miisaaniyadda oo aannu gelinnay, gelinaynana doorashooyinkaas iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.”

Waxa uu Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale sheegay inay Guddiga wada-tashi ka yeesheen arrimaha Miisaaniyadda iyo doorka ay ku leeyihiin, waxaanu yidhi; “Dhanka kalena, waxaannu wada-tashi Guddigan Dhaqaalaha ee ka tirsan Golaha Wakiillada ka leenahay, kana yeelanaynaa Miisaaniyadda 2015-ka iyo waxyaabaha kale ee iyaguna soo galaya, sida Bajadkaasi noqon doono iyo inta uu noqon doono. Waxaannu ku heshiinnay inaannu wada-shaqayn dhaw yeelanno sidaannu awalba u lahayn, waa kulankii labaad ee muddo kooban aannu yeelanno, Illaahay idankii kuwo kalena waannu yeelan doonnaa.”

“Guddigu iyagoo Golaha uga Wakiil ah arrimaha Maaliyadda iyo Dhaqaalaha, Wasaaradda Maaliyadduna Xukuumadda uga Wakiil tahay arrimaha Miisaaniyadda iyo dhaqaalaha in xidhiidhkaasi adkaado, isu socodkaasi bato, annaguna aannu xogaha Wasaarad ahaan aannu hayno iyo meelaha aannu saarayno culayska taladeeda aannu wada yeelanno oo Guddiga aannu ka wada soconno.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Samaale.

Sidoo kale, Samaale waxa uu ka warbixiyey Falanqayn iyo Dood ay Wasaaradda Maaliyaddu maalmihii u dambeeyey la lahayd Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dawladda, waxa uu yidhi; “Waxaannu uga warrannay Guddiga in Wasaaradda Maaliyaddu ay dooddii iyo falanqayntii la waddo Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Qaranka oo maalin walba Wasaarado iyo Hay’ado kala duwan aannu la wadno oo Bajadkii 2015-ka hawshiisa iyo taladiisa aannu wadno, Guddiguna waa Guddiga Golaha u qaabbilsan hawshaa, markaa inay iyaguna meel dhaw iyo meel dheerba kala socoto oo xog-ogaal u noqoto talooyinka Miisaaniyadda iyo guud ahaan ahmiyaddeedana Guddi ka talo-bixisa ay noqdaan oo maanta metelan hawshaa ay Wasaaradda Maaliyaddu ahmiyadda koowaad siisay doorashooyinka, Guddiga dhaqaaluhu waa Guddiga nala ogaanaysa, waana Golihii Wakiillada ee Miisaaniyadda ansixinayey intaanay dhaqan-gelinba.”

“Markaa taana waa in sidaa loola wada socdo oo wararka soconaya ee doorasho ma dhacayso oo kale dadka qaar odhanayaan, runtu waxay noqonaysaa Miisaaniyadda miyaa lagu daray doorashooyinka, haddii aan lagu darinna waxay noqonaysaa inaan doorasho la qabanayn, haddii Miisaaniyadda ay ku jiraan doorashooyinkuna dawladda inay ka go’an tahay weeye, markaa Guddiga Dhaqaalaha iyo Wasaarad ahaanba hawshaas muhiimadda koowaad annaga noo ah ayaan isla eegnay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.

No comments:

Post a Comment