Thursday, August 14, 2014

Wax Ka Baro Sirta Ku Duugan inaad u Seexato Dhinaca Midig

In loo seexdo dhinaca midig ee jidhku waa mid ka mid ah Sunayaasha rasuulkeenu inagula dardaarmay, taasoo dadka muslimiinta ahi si weyn caan ugu yihiin maanta.

Dardaaranda Nabiga N.N.K.H.A. Inaga soo gaadhay ayaa waxa ka mid ahaa in dhanka midig loo seexdo, iyadoo aan hore loo samayn wax cilmi baadhis ah oo caddayn u ah wanaagga ku jira midig u seexashada.

Haddaba, dhakhaatirtu hada waxay ogaadeen in arrimo badan oo sir ahi ku jiraan in layska ilaaliyo in loo seexdo dhanka Bidix Waxa ka mid ah:

1. In sambabka bidix uu ka yar yahay sambabka midig. Markaa haddii qofku u seexdo bidixda ay culays ku noqonayso in sambabkii cuslaa sare loo qaado.

2. Waxa kale oo ka mid ah in haddii qofku u seexdo caloosha maskaxdiisii foorarsanayso oo ay halis ugu jirto in dhiig ku furmo.

3. sabahaha kale oo la ogaaday inay midigtu caafimaadka ilaaliso waxa ka mid ah in wadnuhu ku yaallo dhinaca Bidix, siddaas darteedna aanay wanaagsanayn in dhinaca wadnuhu ku yaallo loo seexdo oo culays badan la saaro maadaama wadnuhu yahay xubin xaasaasi ah oo u baahan in la ilaaliyo.

Haatan dhakhaatiirka aan aqoonta u lahayn diinteena suuban ayaa ku taliyey in midigta loo seexdo, iyadoo la eegayo faa’iidooyinka ugu jira qofka caafimaadkiisa, balse waa wax inaga muslim ahaan waa hore la inoo sheegay oo aynu  ogayn.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment