Wednesday, August 13, 2014

Wefti Isaga dab-qaaday dalalka Kenya, Somalia iyo Somaliland oo maanta Kulan la Qaadanaya Madaxweyne Siilaanyo iyo Qodobbada la filayo inay ka wada-hadlaan

Hargeysa, 13 August, 2013 (Himilo)- Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta waddanka Denmark Mogens Jensen iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay gelinkii dambe dalka soo gaadhay, ayaa la filayaa inay maanta kulan la qaataan madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Danish Delegation SomalilandWeftigan oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxa madaarka ku soo dhaweeyey wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, haseyeeshee wasiirka iyo weftiga ka socda dalka Denmark wax tafaasiil ah kama bixin ujeeddada socdaalkooda.

Marka laga yimaaddo in wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland uu daboolka ka qaaday kulanka ay weftigu maanta la qaadan doonaan Madaxweyne Siilaanyo oo aan la ogeyn waxyaabaha ay ka wada-hadli doonaan iyo ujeeddada safarkooda, sidoo kale lama garan karo haddii ay jiraan kulamo u qorshaysan inay la qaataan madaxda kale ee dalka, gaar ahaan axsaabta siyaasadda iyo Goleyaasha kale ee Qaranka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta dalka Denmark, ayaa ka hor intii aanay safarkooda ku iman Somaliland shalay, waxa ay magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya oo ay ku soo horreeyey kulan kula qaateen Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaanu kulan aan saxaafadda loo oggolaanin ku dhexmaray labada dhinac garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Denmark Mogens Jensen iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa safarkiisa uu ku soo gaadhay Somaliland oo la tuhunsan yahay mid ujeeddo ballaadhan oo dhinacyada xidhiidhka ganacsiga iyo gar-gaarka ku saabsan, waxa isaga dab-qaaday waddamo ku yaala Bariga Qaaradda Afrika, isaga oo dorraad magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo markii u horeysay uu booqasho ku tagay, waxa uu kulan kula yeeshay in ka badan 60 isugu jira shirkado iyo ganacsato u dhashay dalka Denmarka oo ka hawl-gala dalka Kenya.

Ujeeddada socdaalka Wasiirka Ganacsiga Denmark ku galaa-bixinayo waddamada Bariga Afrika,ayaa lagu sheegay mid ku saabsan xaaladaha ammaanka ee gobolka iyo taageerada dawladda Denmark ka geysato nabad-gelyada iyo Xasiloonimada Bariga Qaaradda Afrika, iyada oo dawladda Dermark ilaalinaysa danaheeda ganacsi iyo dhaqaale ee Bariga Africa.

Dawladda Denmark, ayaa ka mid ah waddamada Midowga Yurub ee Somaliland ka taageera dhinaca Horumarinta iyo Doorashooyinka, waxaana la filayaa in arrimaha doorashooyinka iyo kor-uqaadista xidhiidhka  labada waddan ay ka mid yihiin waxyaabaha ay  madaxweynaha  iyo weftiga ka socda dawladda Denmark ka wada-hadli doonaan.

Dhinaca kale, dawladda Denmark, ayaa Somaliland hore ugu soo gudbisay dalab ay codsadeen in gacanta loo geliyo muwaadin asal ahaan u dhashay Somaliland balse haysta dhalashada dalka Denmark oo lagu eedeyey inuu kiis dil ah ka soo geystay waddankaas ka hor intii aanu ku soo laaban dalkiisa hooyo, kaas oo wakhtigan gacanta ugu jira hay’adaha ammaanka Somaliland.

Wasiirka Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo dhowaan ka hadlay fal-dambiyeedka dawladda Denmark u haysato muwaadinka Hargeysa ku xidhan ee laga dalbaday in  gacanta loo geliyo, ayaa sheegay inay baadhis ku hayaan dambiga loo haysto muwaadinkaas oo magaciisa la yidhaahdo Cumar Xuseen oo lagu eedeeyey inuu wakhti habeenimo ah goob meherad ah oo laga cunteeyo qudha kaga jaray arday 21-jir ah magaalada Copenhagen ee dalka Denmark. Wasiirku waxa uu sheegay inaanu dastuurka Somaliland ogolayn in dawlad shisheeyey loo gacan-geliyo qof muwaadin, balse waxa uu xusay inay dawlad ahaan is-waafajinayaan shuruucda dalka u dejisan iyo xeerarka caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, lama hubo inay xukuumadda iyo weftiga ka socda dawladda Denmark ka wada-hadlaan fal-dambiyeedka loo haysto muwaadinka u xidhan hay’adaha ammaanka Somaliland ee dawladda Denmark dalbatay in gacanta loo geliyo si ay maxkamadaha dalkooda ugu hor-geeyaan kiiska dilka ah ee ay ku eedeeyeen inuu geystay.

Wefti ka socda dawladda Denmark oo heer Wasiir ah, ayaa noqonaya weftigii saddexaad noociisa ee dalka socdaal ku yimaadda muddadii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada dalka haysay. Bishii October sannadkii 2010, saddex bilood ka dib markii uu madaxweyne Siilaanyo xilka hoggaaminta dalka kala wareegay madaxweynihii hore waxa socdaal noocan ah dalka ku yimi Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah ee dalka Denmark ee xilligaas Mr. Soren Pimd, kaas oo kulan la qaatay madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale, bishii January 2012-kii waxa dalka booqasho ku yimi wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Denmark ee wakhtigaas Mr Chrisgian Fris Bach oo kulan la qaatay madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada.

No comments:

Post a Comment