“Hadda waxaan joogaa magaalada Garoowe ee Puntland, Maamulkaas aan ka imina (Somaliland) wax dhib ah kagamaan iman ee waan ka fadhiistay…” Axmed Cabdi Xaabsade
Garoowe, 14 August, 2014 (Himilo)- Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Hawlaha guud ee Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo hadda ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka iyo Xisbiyada Axmed Cabdi Xaabsade oo toddobaadkii hore iska dhiibay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland, ayaa sheegay inuu ka fadhiistay Siyaasadda Somaliland, isla markaana u wareegay Puntland oo uu doonayo inuu Maamulka ka jiro wax ka dhiso, sidoo kalena uu uga gudbo dhinaca magaalada Kismaayo ee uu ka jiro Maamul-goboleedka Jubbaland, oo uu ku dooday inuu si tolniimo ah uga qayb-qaadanayo dhismahooda.
Siyaasi Xaabsade oo marar kala duwan oo hore isaga tallaabay dawladda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxa uu sheegay inuu ka shaqayn doono sidii uu si tolniimo ah isugu soo dhawayn lahaa, una heshiisiin lahaa Kooxda ay Isku Beesha ka soo jeedaan ee la baxday Khaatumo iyo Maamulka Puntland.
Axmed Cabdi Xaabsade oo markii ugu horreysay shalay waraysi bixiyey intii uu u wareegay dhinaca Maamul-goboleedka Puntland, ayaa ku dooday inaanu ahayn nin ka cadhooday Somaliland, balse waxa uu sheegay in magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool uu doonayo in wanaag iyo wadahadal wax looga qabto.“Hadda waxaan joogaa magaalada Garoowe ee Puntland, Maamulkaas aan ka imina (Somaliland) wax dhib ah kagamaan iman ee waan ka fadhiistay. Wax dhib ahi ma jiraan ee mar haddaan Siyaasadda ka fadhiistay, waxay iila muuqatay maaddaama oo aan Siyaasadda u leeyahay khibrad dheer inaan Maamulka Puntland oo aan horena uga tirsanaan jiray wax ka dhiso oo woxoogaa kala yara buuq-buuqday, in aan wax ka hagaajiyo oo aan wax la dhiso, hadhawna aan Jubbaland u sii dhaafo oo aan u ololeeyo dadkii aan ka dhashay.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade oo shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.
Xaabsade oo la weydiiyay sida lagu aammini karo inuu Siyaasadda ka fadhiistay maaddaama oo uu Puntland la shaqaynayo waxa uu ku jawaabay; “May…May! Waa la I aammini karaa, waanannu ka wada-tashannay, waanan ku heshiinay (Puntland).”
Axmed Cabdi Xaabsade waxa kale oo la weydiiyay waxa ay markan kaga duwan tahay wakhtiyadii hore ee uu Somaliland iyo Puntland isaga dab-qaadi jiray ama isaga tallaabay oo uu dhinac kasta xilal heer Wasiir iyo La-taliye ka noqday, waxa uu yidhi; “Waxay kaga geddisan tahay, markii hore Maamulkaannu is-qabannay, laakiin Maamulkii aannu is-qabannay waannu ka heshiinnay, haddana qoladaasi (Somaliland) waanay ii baahanyiin oo meel la iiga baahan-yahay ayaan tegay oo aan doonayo inaan Maamulka u dhiso oo aan u hagaajiyo.”
Mar Xaabsade uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa uu ku soo kordhinayo faraqa u dhexeeya Somaliland, Khaatumo iyo Maamul-goboleedka Puntland, waxa uu yidhi; “Waxaan ku soo kordhinayaa, bal horta Khaatumo iyo Puntland inaan dhex-galo oo aan heshiisiiyo oo dee labadaba aan ka tirsanahay oo aan ka dhashay, Ceebna ma ah ee waxaan doonayaa inaan si tolnimo ah u heshiisiiyo oo aan u dhex-galo.”
Sidoo kale, Axmed Cabdi Xaabsade oo la weydiiyay in Xilalkii Muhiimka ahaa ee dawladda Somaliland loo dhiibay ama lagu beddelay dad uu isku arkay inuu Siyaasad ahaan ka muhiimsan yahay Xaabsade ahaan, ka dibna uu cadhooday, waxa uu kaga jawaabay su’aashaas oo uu yidhi; “Mayee waxba maan cadhoon ee Siyaasadda waa la iska beddelaa, Kuraasta waa la iska beddelaa. Markaa, dhib ma laha, colaadna uma hayo, xumaanna uma hayo oo waan ka fadhiistay Siyaasadda.”
Waxa la weydiiyay Axmed Cabdi Xaabsade, waxa uga meel yaalla magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu gacan ka geystay inay Somaliland si buuxda u Maamusho tan iyo 2008-dii waxa uu ku jawaabay; “Laascaanood arrinteeda waxaannu rabnaa inaannu Tolnimo iyo wanaag kaga wadahadalno oo Nimankaas aannu tolka nahay si wanaagsan oo hufan u wada heshiinno oo wax uga wada qabsanno.” Siyaasi Xaabsade waxa la sii weydiiyey ka ay tahay cidda uu kala heshiinayo ama kala hadlayo arrinta Laascaanood Puntland, Somaliland iyo Kooxda Khaatumo la baxday midka uu kula heshiinayo waxa uu yidhi; “Saw maad maqal wadahadlaa waa heshiiyaan, horta waannu wadahadlaynaa oo waxa fiican inaannu marka hore wadahadalno oo aannu wax meel isla dhigno. Puntland Oday baan ka noqonayaa dadka nabadeeya oo heshiisiiya.”
Mar la weydiiyey inay suurtagal tahay ama laga yaabo inuu Xil muhiim ah ka qabto Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ku dooday haddii loo baahdo oo ay Madaxda Puntland gartaan inay xil u dhiibaan inuu qaban doono.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax oo ay Xaabsade ka soo wada-jeedaan gobolka Sool ee Somaliland dhalasho ahaan, ayaa isaguna ka jawaabay waraysiga uu bixiyey Axmed Cabdi Xaabsade, waxaanu Guddoomiye Baashe oo la hadlay BBC-da uu ku dooday inay ahayd in haddii uu Siyaasadda Somaliland ka fadhiisanayo intii aanu Hargeysa ka tegin iska casilo xilka uu hayay ee La-taliye-nimada Madaxweynaha Somaliland.“Waxay ahayd in haddii uu hawl-gab noqonayo uu intii uu halkan Somaliland joogay uu iska casilo xilkii ugu dambeeyey ee uu hayey ee ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka iyo Xisbiyada Siyaasadda, ka dibna marka uu xilkaas iska casilo uu tego Laascaanood iyo Sool oo dadkiisii iyo deegaankiisii ah oo iyaguna u baahan Odaynimada iyo talada uu sheegay inuu dadkiisa u geysanayo, laakiin maannaan jeclaysan inuu Puntland u tallaabo isagoon xilkaas iska casilin, inuu daalayna sheegin.” Sidaa ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax. Waxaanu sheegay in Siyaasiyiinta cadhooda ee Maamullada kale ku biira markay Somaliland ka tegaan keliya ku ekayn Siyaasiyiinta u dhashay gobollada Sool iyo Sanaag, balse Siyaasiyiinta gobollada kale u dhashay-na ay la wadaagaan oo ay qaarkood Xamar tagaan, xilal kala duwanna ka qabtaan Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment