Sunday, August 17, 2014

Xisbiyada Mucaaradka ah oo Dareen Sas leh ka Muujiyey Dhawaaq ka soo Yeedhay Shir-guddoonka Guurtida

Mucaaradka oo u Muuqda inay Hor-boodayaan Dib-u-dhac ku timaadda Doorashada!

 

“Ninka taas leh waxa laga yaabaa haddii uu maanta kursigiisa waayo inaanu mar danbe Hargeysa u hoyan oo uu tegi doono meelihii uu ka yimid” – Faysal Cali Waraabe

 

“Waxaanu u aragnaa arrintaasi inaanay wax saamayn siyaasadeed ah ku yeelan karin. Maxaa yeelay, dhulkaa hadda laga saameeyey maamulka…” – Afhayeenka Waddani

 

Hargeysa, 17 August, 2014 (Himilo)- Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, ayaa dareen sas leh ka muujiyey hadal ka soo yeedhay shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland oo Guddiga doorashooyinka Qaranka u jeediyey in aanay dalka ka qaban wax doorashooyin ama diiwaan-gelin inta ay jiraan deegaamo dalka ka tirsan oo aanay suurto-gal ahayn in doorashooyin laga qabto.

SAWIRKA 1AADGuddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka jawaab-celinayey hadalka ka soo yeedhay shir-guddoonka golaha Guurtida, waxa ay sharci-darro ku tilmaameen muddo-xileedka guddiga doorashooyinka Qaranka oo ay ku taliyeen in xukuumaddu diyaariso sharcigii lagu beddeli lahaa inta aanay dalka ka qaban wax doorashooyin ah.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay xukuumaddu diyaariso sharcigii lagu beddeli lahaa guddiga doorashooyinka oo ay sheegeen in muddo-xileedkooda ay ka hadhsan tahay muddo laba bilood ah ka hor diiwaangelinta iyo doorashooyinka la qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan dabayaaaqada sannadkan iyo badhtamaha sannadka soo socda.

“Guddiga doorashooyinka Somaliland waxa wakhtigoodu ku eegyahay bisha October ee sannadkan aynu ku jirnay. Waxyaabaha qaylo-dhaantan keenay ama xilligan soo celiyey waxa weeyaan muddo-xileedkoodii oo dhammaaday iyo doorashadii oo wakhtigeedii taagan yahay.

Waxaanu ku celinaynaa in xukuumaddu dar-dargeliso isla markaana goleyaasha sharci-dejinta ay sharcigooda keento, si wax ka beddel loogu sameeyo qaabka ay ku imanayeen guddiga doorashooyinka Qaranku, muddo-xileedkoodiina dib loo eego,” ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa oo shalay warbaabinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Afhayeenka oo la weydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa dareenka ay ka celinayaan baaqa shir-guddoonka guurtidu ugu jeedisay guddiga doorashooyinka in gobollada iyo degmooyinka dalka laga hirgeliyo doorashooyinka, waxa uu ku jawaabay, “Arrimaha diiwaan-gelinta iyo doorashooyinka wakhtigoodii foodda innagu soo hayso, waxaanu u aragnaa arrintaasi inaanay wax saamayn siyaasadeed ah ku yeelan karin. Maxaa yeelay, dhulkaa hadda laga saameeyey maamulka marka horeba doorasho toos ah oo ka dhici jirtay may jirin, xildhibaannaduna tiro cayiman bay kaga iman jireen, doorashada madaxtooyaduna magaalooyinka waaweyn may dhaafi jirin. Intiiba Somaliland gacanteeda ayay ku jirtaa, waxaanu rejaynaynaa inay doorashada iyo diiwaangelintu ay sidoodii uga qabsoomi doonaan,” ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.

Dhinaca kale, guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo daba-socday jawaab xukuumaddu ka bixisay heshiis dhowaan dhexmaray axsaabta mucaaradka iyo madasha wada-tashiga, ayaa xukuumadda ku dhaliilay inay ka cago-jiidayso hirgelinta doorasho xilligeeda ku qabsoonta, waxaanu yidhi, “Waxay ahayd inay dawladdu soo kacdo oo ay hal af ku hadasho oo ay tidhaahdo waxaas waxba kama jiraan doorashana diyaar ayaannu u nahay oo Komishankii waannu samaynaynaa, lacagtiina waannu haynaa. Laakiin, toban ayaa jawaabay oo midiba meel ka qayliyey.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa kale oo uu ka dareen-celiyey dhawaaqa ka soo yeedhay Shir-guddoonka Guurtida, waxaana hadalladiiisa ka mid ahaa, “Waxa uu yidhi Komishanku ha soo mareen degmooyinka oo dhan hana soo caddeeyaan inay waddanka oo dhan doorasho ka dhacayso, kama dhacayso oo doorashaba dhici mayso ayuu yidhi, ninka taas leh waxa laga yaabaa haddii uu maanta kursigii waayo inaanu mar danbe Hargeysa u hoyan oo uu tegi doono meelihii uu ka yimid,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Si kasta ha ahaatee, Xisbiyada Mucaaradka ah oo inta badan ka ololeeya in doorashooyinku wakhtiga loo muddeeyey dib uga dhacaan isla markaana xukuumadda culays ku saara doorashadu inay wakhtigeeda ku qabsoonto, waxa uu hadalkoodu u muuqdaa mid nuxurkiisu micno ahaan la mid yahay soo-jeedinta Golaha Guurtidu ugu baaqeen Guddiga Doorashooyinka, maadama oo mucaarad ahaan ay ka hadlayaan muddo-xileedka Guddiga Doorashooyinka oo dhammaaday iyo in dib loo magacaabo guddi cusub oo la wareegta hawlaha doorashada, arrintaas oo ujeeddo ahaan u muuqata mid suurta-galnimadeedu dib-u-dhac ku keeni karto doorashooyinka.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment