Warbixin lagu Koobay Wax-qabadka Afartii sanno ee u dambeeyey – Q. 1aad
Hargeysa, 03 August, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Kulmiye ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo bandhigtay wax-qabadyada muddadii Afarta sanno ahayd ee ay xilka haysay u suurto-galay inay ka qabato horumarinta adeegyada bulshada iyo siyaasadda hoggaamineed ee dalka.
Wax-qabadyada xukuumaddu soo bandhigtay guulaha ay ka gaadhay afartii sanno ee u dambeeyey, ayaa isugu jira dhinacyada Nabad-gelyada, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Dhismaha Waddooyinka, Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Kor-u-qaadista musharaadka iyo tayada Shaqaalaha, Dhaqaalaha dalka, Wax-soo-saarka Beeraha iyo Dhoofka Xoolaha, Horumarinta garoomada diyaaradaha iyo Qodobbo kale.
Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebana Dhuxul, ayaa warbixintan soo socota oo loogu talo-galay warbaahinta si guud-mar ugu koobay wax-qabadka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku tallaabsatay Afartii Sanno ee ay majaraha u haysay hoggaaminta dalka.
“Hordhac
Marka hore dhamaanba shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba guddaha iyo dibadaba waan salaamayaa, waxaana ku bogaadinaynaa sida iskaashigooda iyo isku duubnidoodu qaran ahaan ay inoogu suurto gelisay in waxbadani ay noo qabsoomaan, waana ILAAHAY MAHADII.
Intaasi ka dib walaalayaal muddo Afar sanno ah ayaa haatan ka soo wareegtay markii xilka qaranka iyo hogaamintiisaba ay la wareegeen madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ka dib natiijadii ka soo baxday iyo doonistii shacabka reer Somaliland sida dimuqaraadiga ah ay ugu doorteen hogaaminta dalka xisbiga kulmiye kuna badaleen xisbigii talada hore u hayay ee UDUB, waxay ahayd marxalad guul ah sidii nabad-galyada ahayd ee wax waliba ay ku dhamaadeen, in kastoo dalka ay taalay duruufo adag iyo goldaloolooyin u baahnaa in deg-deg wax looga qabto, waxaa nasiib wanaag ahayd oo kale sidii shacabka Somaliland ay filayeen kuna doorteen xukumadan, ayaa madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland uu markiiba dhaqaajiyay barnaamuj wax-qabad iyo qorshe hagid siyaasadeed leh oo koobayay baylaha tirka duruufihii yaalay oo dhan.
Sideedaba waxaa ay ummadi ku jiri kartaa oo qaran ku dhismi karaa marka ay jirto Maba’adii aas-aasi ah oo ku salaysan aaminsanaantooda aragtida guud ee ummadda oo ku qotoma go’aan loo dhan yahay kaasina waxa uu ahaa in go’aankii shacab ee dadka reer Somaliland ay ku go’aamiyeen magaalada BURCO 1991-KII waana takeentay dhowrista iyo ilaalinta hadafka qaran-nimada gayigan reer somalilandna ka sabato bixiyay duruufaha adag ee ka jira gobolkan geeska Afrika oo meelo badan oo ka mid ah ay ka taagan yihiin nabadgalyo darro iyo awood kala hororsi, waayo inaga shacab ahaan meel marinta go’aankeena qaran-nimo ayaa inagala wayn waxkasta oo kale oo khuseeya dane qof amba mid kooxeed. Marka hadaba la eego ama aan dib ugu noqono afartii sanno ee aynu ka soo gudubnay ee xukummadan uu hogaaminaayay Madaxwayne Axmed Maxamed (Silaanyo) xilka ummaddana haysay wixii ay qabatay waxay noqotay natiijadii ka soo baxday horumar iyo wax-qabad muddo gaaban qarankan u keenay isbadalo, siyaasadeed dhaqaale, kor u qaadida dhisme hay’ado dawladeed oo sal adag ku taagan, kor u qaadida adeegyada bulshada, abuurida kaabayaal dhaqaale, daryeel tayayen shaqaale iyo darajo ciidan, amniga qaranka, gogol walaalnimo , maamul fidin, abuurida iyo midaynta xooga ummadda iyo xukumada oo dhinaca wax wada qabsiga u dhaqaaqay, soo celinta haybadii dawladeed iyo dejinta siyaasad dibadeed oo leh ujeedooyin iyo hadaf beesha caalamka lagu gaadhsiinayo qadiyada qaranimo ee dadka reer Somaliland ay leeyihiin intaasi oo wax-qabad ah oo raacaya dariiq qeexan iyo hogaamin ay u dejisan tahay halka loo socdo iyo halkii laga yimid ayaa qarankan ka dhigtay dal iyo dad u jihaystay, xaga hormumarka deganaanshiyaha iyo rajo ku dhisan waxa aynu qabsanaa inay jawaab u tahay gaadhida himilada qaranka ee beesha caalamka.
Qodobadaasi aynu kor ku soo sheegnay ayaan mid mid u dulmari doonaa waxyaabihii ugu mihiimsanaa ee xukumada madaxwayne Silaanyo qabatay oo xaqiiqadii doorashadiisii ay shacabka Somaliland ay u ahayd fursad wax-qabad oo dadkeena iyo dalkeenaba u soo korodhay
1. NABAD-GALYADA QARANKA (National Security)
Waxaa ILAAHAY MADAHDII AH in guud ahaanba dhulka Jamuuriyada Somaliland ay ka jirto nabadgalyo buuxda , xukumada Somalilandna waxay si mugleh ugu shaqaysay sii xoojinta nabadgalyada dalka, xaalad kastoo timaadana oo dhalinkarta nabadgalyo darona waxay ku xalisay caqli aqooneed iyo waayo aragnimo sii adkaysay walaalnimada iyo wada jirka shacabka reer Somaliland oo fahamsan aas-aaska wax noqoshadeenu in ay tahay kuna tiirsan tahay nabadgalyada, waxaa xukumada uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ay xooga saartay tayeynta, balaadhinta, tababarada iyo qalabaynta hay’adaha qaranka ugu qaabilsan nabadgalyada kuwaasi oo xasladay nabadgalyada Jamhuuriyada Somaliland, waxaa xukumaddu iskaashi dhinaca nabadgalyada ah ay la gashay wadamada jaarkeena iyo kuwo caalamka kale ah, waana qorshayaasha nabad-galyo ee ay xukumadani ay u dejisay geyigeena uu ka dhigay meel ka caagan budhcad badeed iyo dibaatooyinka ay wadaan kooxaha argagixisadu, waxaana amaan mudan shacabka reer Somaliland oo gacan buuxda xukumada ku siiyay ilaalinta nabadgalyada geyiga oo qof waliba halkiisa uu ku noqday xilqaad nabad-galyada dhowra kana jira in cid kale ay dhaawacdo nabad-galyada.
2. WAX-QABADKA XUKUMADU AY KA QABATAY ADEEGYADA AAS-AASIGA AH EE BULSHADA.
B) Waxbarashada (Education)
Madaxwayanaha Jamuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) isagoo og-kaalinta iyo saamaynta aqoon la’aantu ay bulshadu ku yeelan karto horumarkooda iyo ilbaxnimadooda, isla markaasina ku xisaabtamaya aqoontu in ay tahay tan abuurta hal-abuur, ummadda u keena horumar iyo mustaqbal wanaagsan, ayuu dalku u dhigay siyaasad waxbarasho oo dhamaanba ubadkeena siinaysa fursad waxbarasho oo aanay lacagi ku xidhnayn , culays kasta oo dhaqaale oo ay arrintaasi ku keenaysay qaranka oo dhaqaalihiisu aad u kooban yahay kamay hor istaagin in uu barnaamijkaasi uu guulaysto , waxaana xukumadu ay bilaash ka dhigtay dhamaan waxbarashada aas-aasiga ah, waxaa ay talaabadaasi ay keentay in ilmo kasta oo reer Somaliland ihi meel kasta oo dalka ka mid ah hajoogee ay heleen waxbarasho bilaash ah waxaana lagu garan karaa qiimaha arrintaasi iyo haraadka loo qabayba in sanadkii koowaad ee xukunka xukumadan ay kordhaan arday u dhiganta kala badh ardaydii reer Somaliland ee hore iskuulada ugu jiray kaasi oo korodhka uu gaadhay 43.3% waxaana xukumada oo taasi si fiican uga baarandagtay iskuna halaysay waxa aynu haysano ay u dhaqaaqday kordhinta macalimiinta si ay u daboolaan baahida waxbarasho ee ardaydii soo korodhay, waxaa xusid mudan markii ay xilka la wareegtay xukumdani macalimiinta dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare wax ka dhigaa ay ahaayeen 2,000 oo macalin oo xukumadihii kala danbeeyay ee xukuumadan ka horeeyay midba meel ay soo gaadhsiisay shaqaalaynta macalimiinta, hase ahaatee waxaa arrin guul ah in muddadaasi afarta sanno ah ee xukumadani ay talada haysay ay shaqaalaysay 4,500 oo Macalin oo waliba lagu xushay Awoodooda aqooneed ee gudbinta waxa ay dhigayaan, waxaa wax-barasho dibadeed ay xukumadu ay u dirtay 2,500 Oo arday waxaa la dhisay 600 oo Dugsi oo sigu jira kuwo hoose dhexe (15 Dugsi) oo ah dugsiyada sarre ayaa kordhin, dhisid iyo dayactir ay ku samaysay, 266 Hablood ayaa ay xukumadu ay siisay deeq waxbarasho, waxaa la dhisay dugsigii farsamada gacanta ee Burco lana qalabeeyay si dhakhso ahna ay hawshii wax dhigistu ay uga bilaabi doonto .
T) Waxqabadka Caafimaadka
Waxaa dhab ah awooda caafimaad qabka bulshada ama qofku ay tahay ta horseedka ka noqon karaysa bulsho u taagan nolosha iyo mustaqbalkooda danbe, waxaa muhiimada arrintani ay tahay qaran ahaan in bulshada reer Somaliland hesho caafimaad ku filan waa talaabo xoojinaysa awoodeena wax-qabsi.
Xukumada Somaliland hindihiseheedu wuxuu yahay abuurida iyo hormarinta caafimaadka dadkeena, iyodoo dadaal badan dabadeed xukumadan talada haysaa wax-qabadkeeda dhinaca caafimaadku uu ku tusayo natiijo wanaagsan, waxaa xukumadu dalka goboladiisa iyo degmooyinkiisa kala duwan ay ka hirgalisay 689 goobo caafimaad ah oo iskugu jira, cisbitaalo gobol ,kuwo degmo, MCH-yo , health post-yo waxaana ay hogaanka qabatay oo ay la wareegtay afar sano ka hor iyadoo dalka ay jiraan 260 goobood oo caafimaad waxana inoo soo baxay tirooyinka goobaha waxqabadka caafimaadka markaan eegno, korodh kala badh ka sareeya oo muddo gaaban ku qabsoomay, waxaa kaloo xukumadani ay goobaha caafimaadka ka hawlgalisay 38 Ambulance waxa la hawlgaliyay 8 xarumood oo lagu daaweeyo khaasna u ah cudurka TB-da, waxaa xukumadani dadaal wayn u gashay sidii loo helilahaa mishiinada kaliyaha lagu sifeeyo oo aan jirin dalkeena dhibaato badana dadkeena ka haysatay iyadoo cida ay awoodi kartaa mooyee, dadkeena aan awoodi Karin arrintaasi dad faro badan ay u dhintaan ama ay waxyeelo ka soo gaadhay waxana haatan shaqeeya dalkeena gudihiisa 7 mishiin oo kaliyaha lagu sifeeyo oo xukumadani ay keentay baahiwayna ay dabooshay, waxaa shaqaala caafimaadka xukumadani ay ku kordhisay shaqaalihii hore 2,559 shaqaale waxaan hore u jiray 1,374 shaqaale ah, waxaa la hirgaliyay siyaasada daadajinta caafimaadka si goobta iyo qofka la badbaadinayaa ay iskugu dhawaadan gurmadna loo fidin karo
J) Cadaalada Iyo Garsoorka
Cadaaladu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan marka la eego dhisme bulsho iyo mid qaranba, dhismaha cadaalada oo dastuurka si cad ugu tilmaaman , waxaa xukumadani markii ay timid ay ahayd cadaaladu meelaha loogu hadal haynta badan yahay wax ka qabashadeeduna ay lagama-maarmaan u ahayd dhismaha qaranka, waxaana xukumadani oo taasi ogayd ay si mug leh dib ugu eegtay dariiqii dheeraa ee qaabka cadaaladeenu ku socotay.
iyadoo la sameeyay dib u habayn wayn oo ku saabsan dhismaha cadaalada ee dalka iyo qiimaynta wax-qabadka iyo ka war haynta dhibaatooyinkii haystay bahda garsoorka iyo cadaalada iyo dadka loo adeegayo .
Dib u eegistaasi lagu sameeyay cadaalada waxay keentay in la qabto shir-waynayaal arrimaha cadaalda iyo garsoorka lagu naaqishaayay , waxaana ka soo baxay qaab iyo habab loo waajahayo nidaamka cadaaladeed iyo garsoorka oo saldhig u ahaa is badalka wayn ee maanta ka muuqda cadaalada iyo garsoorka dalka, waxaa la tababaray dhamaaanba hawl-wadeenada cadaalada, waxaa la qoray garsoorayaal iyo hawlwadeeno cusub oo la biday aqoontooda cadaaladeed in ay noqon karayso mid wax ka tarta arrimaha Cadaalada iyo Garsoorka iyadoo sida wanaagsan looga faa’idaysanayo, oo waxtaraysa nidaamka cadaaldadeed ee dalka waxaana la dhamaystiray dhismaha heer gobol iyo heer qaran ee hay’adaha cadaalada ka shaqeeya in kastoo cadaaladu ay tahay hawl adag oo u baahan wakhti dheer sixideeda ayaa hadana dadaalada xukumadani ay ugu jirto uu yahay mid maalin kastaba u socda in wax la hagaajiyo
waxaana amaan mudan masuuliyiinta caalada uga masuulka ah oo xilkasnimo wayn, qabashada iyo hagaajinta hawshan ka muujiyay.
X) Waxqabadka Mashaariicda Biyaha (Water)
Xukumada madaxwayne silaanyo bilowgii qabashada hogaankaba waxay dadaal wayn ay u gashay isla markaana ay ku guulaysatay in Somaliland ay ka hesho dadaal dabadii midowga yurub deeq lacageed oo dhamayd $28 milion lacagtaasi oo xukumadu ay u qorshaysay in wax lagaga qabto baahida dhinaca biyaha ee ka jira magaalooyin badan oo dalkeena ah oo ay ka mid yihiin magaalada Hargaysa, Burco, Togwajaale, Boorama iyo Ceeri-gaabo, waxaana haatan la dhamaystiray dhuun 12 km ah oo biyaha soo gaadhsiisa hargasya, waxaa kale oo 21 dhuumood oo biyo galin ah lagu kordhiyay magaalooyinka burco,boorama iyo berbera , waxaa kale oo la dhamaystiray qodaalka 65 ceel oo riigag ah degaanada miyiga ee dhibaatad biyo la’aantu ay haysatay waxaa kale oo xukumadu ay dhamaystirtay 25 Tuulo biyo galintood oo badankoodu ku shaqeeyan tamarta la cusboonaysiiyay , iyo qodida 8 dhaam iyo hirgelinta shuruucda qodaalka riigaga, waxaa intaasi dheer booqashadii madaxwaynuhu uu ku tagay Emirate ka carabta ay inoogu deegeen biyo galinta qaybaha ugu muhiimsan ee magaalada hargaysa, iyo Mashaariic kale. La soco.........
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment