Muqdisho, 09 Sept, 2014 (Himilo)- Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Jen. Cabdillaahi Gaafow Maxamuud, ayaa sheegay shalay sheegay inay garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho ay ku qabteen Baasaabboorro la joojiyey, isla markaana ay argaggixsadu isticmaasho oo loo soo waday dhinaca magaalada Hareysa ee Caasimadda Somaliland sida uu Taliyuhu sheegay.Baasaabboorradaas oo ay tiradoodu dhammayd 94 Xabbo, ayaa isugu jiray 42 Xabbo oo Baasaabboorka Cagaaran ee dawladda Federaalka Soomaaliya joojisay ah ee hore loo isticmaali jiray iyo 52 Xabbo oo Baasaabboorka elaktarooniga ah ee E-Pasaport-ka loo yaqaanno ah, kuwaasoo ay saarnayd ama ku dhegsanayd Fiisaha dalka Sudan, sida uu Warbaahinta shalay u xaqiijiyey Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Jan. Cabdillaahi Gaafo Maxamuud.
“Waxaan Saaka (shalay subax) garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho ku qabannay Boorsadan oo ay ka Buuxaan Baasaabboorro. 42 Baasaabboorka Cagaaran ah, kuwan kalena waa 52 Baasaaboor oo caadi ah oo kuwa annaga aan bixinna ah. Waxa dembi ah oo aan la qaadan karin wax dawladnimada lagu duminaayo, mid lagu duminaayo jirtaankeenna, mid lagu duminayo ummadnimadeenna oo ah 42 xabbo oo Baasaabboorka Cagaaran ee aan joojinnay ah.” Sidaa ayuu yidhi General Gaafow.
Gaafow waxa uu sheegay in cidda lagu arko Baasaabboorka Cagaaran ee Soomaaliya ee hore loo isticmaali jiray oo dhawaan la joojiyey lana mabnoocay loo aqoonsanayo Argaggixiso iyo cid dawaldda Soomaaliyeed duullaan ku ah, waxaanu yidhi; “Baasaabboorka cagaaran waxaa loo isticmaalaa argagixisannimo, tiradooduna waxay ahayd 42 Baasaboor oo kuwa cagaaran ah, Raggii watayna gacanta ayaan ku haynaa baadhitaanno ayaana ku socda.”
“Dhibaatooyinka uu geysto Baasaabboorka cagaaran waxaa ka mid ah in 29-ka bishii hore garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu qabtay nin dhalshadiisu tahayn Sansibaar oo magaalada Talabiib ee dalka Israa’iil ka soo qaatay Baasaabboorka cagaaran oo Fiiseysasn haatanna waxaan ku wadnaa baadhitaanno oo waa xidhan yahay.” Sidaa ayuu yidih Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Jen: Cabdillaahi Gaafow Maxamuud.
Cabdiqani Cumar Ismaaciil oo ahaa ninka lagu qabtay baasaboorada ayaa sheegtay in uu ku dhashayhargeysa dagan yahayna uu u siday Ardayda dhigatay iskuulada ku yaal Magaalada hargeysa oo ay maamulaan maccalimiin reer Sudan ah, hase-yeehsee Gaafow, ayaa sheegay in la baadhayo tallaabana laga qaadi doono in kasta oo ninkii kale dafiray sheegayna in aanu la soconnin wax aqoon ahna u laheyn ninkan lagu qabtay Boorsada Baasaabboorrada ah ee sharciga iyo sharci-darrada isugu jira.
“Baasaabboorradan Arday Somaliland joogta ayaa loo waday, Sudan baan ka soo qaaday, Safaaradda Sudan baa soo fiisaysay, anigu Suudaan baan ku socdaa waanigaa Fiisihii Sudan sita, waa sidaa, waanad aragtaan inaan ahay nin Soomaaliyeed.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Nimanka lagu qabtay Baasaabboorradan oo warbaahintu weydiisay ujeeddada ay ka lahaayeen Baasaabboorradan cagaaran ee tirada badan.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiqani Cumar Ismaaciil oo ah ninka Boorsada Baasaabbboorada ah lagu qabtay, halka uu ninkii ay wada socdeen markii la qabtay sheegay inaanu waxba ka ogeyn, ninkanna aqoon ay isu leeyihiinba jirin.
Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa hore u joojisay isticmaalka iyo adeegsiga Baasaabboorka Cagaaran ee Soomaaliya ee hore loo isticmaali jiray, ka dib markii la hirgeliyey Baasaabboorka cusub ee E-Passaport, waxaanay dawladdu sheegtay in qofkasta oo lagu qabto Baasaabboorka cagaaran isagoo wata, raba inu ku dhoofo ama ku soo dego in loo aqoonsan yahay Argaggixiso AL-Shabaab ka tirsan.
No comments:
Post a Comment