Hargeysa, 07 Sept, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dilka Hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya Axmed Cabdi Godane, kaasoo ay dawladaha Maraykanka, Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab-ba shantii bishan (Habeen-hore) xaqiijiyeen in lagu dilay Weerar diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayni Isniintii inna dhaaftay ka fuliyeen gobolka Shabeellada hoose.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay inay Somaliland caalamka la wadaagto aragtida ay ka qabaan mid la mid ah ka qabto, isla markaana ay soo dhawaynayaan qof kasta oo daallin ku sifooba in dunida laga qabto.
“Dilka hoggaamiyihii Al-shabaab halkaa Caalamku ka taagan yahay ayaanu ka taagan-nahay, Waxaana lagula jiray Dagaal, haddii Ninku dagaal ku jirana kolay dhimasho iyo geeri labadaba diyaar buu u yahay, Nin Walba oo daallin ahna in la dilaa Xaq weeye.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa kula hadlay Warbaahinta kala duwan ee dalka.
Axmed Cabdi Godane, ayaa ku dhashay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland sannadkii 1977-kii, isla markaana ka mid ahaa xubnaha reer Somaliland ee aasaasay Xarakada Al-Shabaab, kaasoo noqday hoggaamiyihii ugu magaca dheeraa ee hoggaamiyaha Kooxdaas oo marka hore ahayd mid heer gobol ah, ka dibna gaadhay heer Qaaradeed iyo heer caalami-ba. Isagoon illaa hadda Kooxda Al-Shabaab shaacin qofka u beddeli doona ee qaban doona ama buuxin doona Booskii Amiir Godane.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment