Saturday, September 6, 2014

Faysal Cali Waraabe oo ka sheekeeyey Arrimo uu kala hadlay Siyaasiyiin u dhalatay Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya oo kulamo la yeeshay

Guddoomiyaha UCID oo ku Baaqay talo-qaran oo xal loogu Raadiyo tabashooyinka Beelaha darafyadu ka qabaan Saami-qaybsiga Dawladda

Hargeysa, 06 Sept, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka sheekeeyey waxyaabaha ay kaga wada-hadleen kulamo uu magaalada Nairiobi ee dalka Kenya kula yeeshay siyaasiyiin dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaas oo u kala dhashay deegaannada maamul-goboleedka Puntland iyo gobollada Koonfureed ee dalkas.
cali-waraabeGuddoomiye Faysal Cali Waraabe oo shalay ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka dib safar todobaad qaatay oo ugu maqna dalka Kenya, waxa uu sheegay inuu bulshada caalamka iyo siyaasiyiin u dhashay Soomaaliya oo ku sugan magaalada Nairobi u bandhigay mawqifka Somaliland ka taagan tahay qalalaasaha kooxda uu hoggaamiyo Prof Cali Khaliif ka wado gudaha dalka, isaga oo xusay inuu u sheegay qadiyadda Cali Khaliif inay ku kooban tahay isaga iyo shakhsiyaad ay isku feker yihiin, balse guud ahaan beesha deegaan ahaan ay u dhasheen aanay ku raacsanayn ujeeddada ay ka leeyihiin khal-khal gelinta ammaanka waddanka.
Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay tabashooyinka dhinaca saami-qaybsiga dawladda ee beelaha darafyada Somaliland, taas oo uu sheegay inay gun-dhig u tahay isla markaana ay guud ahaan dalka ku keeni karto khal-khal dhinaca ammaanka iyo midnimada dalka ku timaadda. Md Faysal Cali waxa uu sheegay in kulamo uu beesha caalamka kula yeeshay dalka Kenya lagu weydiiyey tabashooyinkaas isla markaana wakhtigan loo baahan yahay in wax laga qabto, isaga oo ku baaqay in laysugu yimaaddo talo-qaran oo arrintan xalkeeda lagu raadiyo.
“Waxaan u baxay arrimo badan oo dalka ka taagan u baahnaa in lala soo qaybsado bulshada caalamka iyo ciddii kasta ee ay khusayso, Illaahay safarkaas wuxuu ka dhigay safar kheyr leh. Laakiin, waxaanu sheegaynaa, Somaliland waxay u baahan tahay inay dib isula xisaabtanto. Waxa loo baahanyahay Somaliland oo la wada-leeyahay, ta meel kasta na hortaallaa waxa weeyi Somaliland lama wada-laha’e waa la kala leeyahay, taas oo loo baahan yahay in la saxo, in arrimaha inoo taagan ee immika laga hadlayo oo dhan talo-qaran layskuga yimaaddo oo madaxweynuhu gogosha fidiyo oo arrinta kooxda Khaatumo laga hadlo. Awdal waad ogtihiin, Odayaal baa halkan (Hargeysa) yimi, niyad wanaagsan bay u yimaaddeen, waxay taagan yihiin si xaq ah oo caddaaladi ku dheehan tahay wax haloo qaybsado. Haddan iyagana la dhegaysan oo aan laysku joojin, wax kalaa ka soo bixi doona. Markaa waxa weeyi, Somaliland oo aan la wada-lahayni socon mayso,” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo shalay war-fidiyeennada kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.
“Adduunkaanu u soo sheegnay in diyaar loo yahay cid kasta oo reer Somaliland ah oo wax tabanaysa in la dhegayso, in arrintooda la falan-qeeyo oo laga daweeyo. Waan u soo sheegnay adduun inaanay Kooxda Khaatumo metelin beeshay ka soo jeedaan oo dhan ee ay koox gaar ah yihiin, wax gaadhsiiyey in hub laysku qaatana aanay meesha ku jirin ee ay qasdi kale leeyihiin. Waxaanu u soo sheegnay Cali Khaliif inaanu niyad-wanaag wadin, laakiin dawladdu diyaar u tahay in lala hadlo. Puntland way caddaysay in Cali Khaliif aynu iska mawqif nahay, iyaguna aanay ku faraxsanahayn, wuxuu samaynayo,” ayuu yidhi Faysal Cali Warabe.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Adduunka waxaanu u sheegnay inaan loo baahanayn oo aanay suurto-gal ahayn Somaliland in sida Soomaaliya la qurbo-qurbeeyo oo maqas loo qaato. Wixii naga xun ee naga xun dhinacaga aanu hagaajisanayno, wixii annaga dhinacyaga ee shisheeye gacanta la soo galo aan ahayn. Siyaasiyiinta Soomaaliya waanu isa soo aragnay, kuwa maamulka Puntland waanu isa soo aragnay, intaba waxaanu uga dignay inay arrimaha Somaliland soo fara-geliyaan, mowqifyo fiicanbaanu soo gaadhnay. Laakiin, waxa loo baahan yahay inaynu gudaheenna hagaajinno, haddaynaan gudaheenna hagaajin oo umaddu wax kala tirsanayso oo qaranka la kala sheegto, ma soconayso Somaliland oo wixii aynu u soconnay iska dhaafoo, tan aynu haysanaa la innoogu imanayaa. Cadowgeenna waanu illownay sidii aynu ugu dhawaaqnay gooni-isu-taageenna, waxaad mooddaa inaynu si’ u fadhiisannay, markaa waxaanu u sheegaynaa dawlad iyo shacabba hadii wixii aynu u soconnay aan loo dadaalin oon loo hawl-gelin, tan aynu haysanno iyo nabaddan baa laysugu imanayaa.”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa kale oo uu sheegay inuu arrimaha doorashooyinka iyo diiwaan-gelinnaha dalka laga hirgelinayo kala hadlay daneeyayaasha Somaliland ka taageera doorashooyinka, “Waxaanu kala soo hadalnay Arrimaha doorashooyinka, qodobkan sharcigii laga soo daba-tuuray diiwaangelinta waa in meesha laga saaraa ee saddexda Xisbiba ay ku heshiiyeen markii hore, taasi waxay noqonaysaa farsamo la doonayo in doorashada dib loo rido. Adduunku wuxuu taagan yahay, wixiinna hagaajista, wixii aad nooga baahataanna, gacan baanu idinka siinaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment