Hargeysa, 03 Sept, 2014 (Himilo)- Xogyaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa Mawliid Waris, ayaa kormeer ku sameeyey goobo biyo-mareenno ah oo waxyeello ka soo gaadhay daadad ka soo rogmaday roobab xooggan oo labadii maalmood ee ugu dambeyey ka da’ay Hargeysa.
Goobaha uu Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose kormeerka ku sameeyey waxa ka mid ah Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo daad xooggani gudaha ugaleen kadib markii ay ku soo jabtay laag biyo- mareen ah oo hor-marta xarunta hay’adda Shaqaalaha Dawladda, halkaas oo hal-gal lagu nadiifinayo ay ka fuliyeen Cagafyada Dawladda Hoose oo uu Xoghayuhu hawl-galkooda hor-kacayey.

“Dadweynaha waxaanu ka codsanaynaa inaanay meelaha Biyo-mareenada ah raacinin Xashiishka, gaar ahaan inaanay ku ridin waxyaabo waaweyn oo keeni kara in iliiladu xidhanto, waayo Haddii Illiiladdu xidhanto waxa dhacaysa inay Biyuhu Meel kale u baydhaan,” ayuu yidhi Xoghaye Mawliid Waris.
Xoghaya oo ay socdaalkiisa ku wehelinayeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa iyo saraakiil ka tirsan Waaxda Fayo-dhawrka ee Dawladda Hoose, waxa ay Kormeer guud ku sameeyeen goobo Roobku waxyeello gaadhsiiyey, iyaga oo ka qayb-qaatay tallaabooyin lagu bannaynayey dhammaan goobaha biyo-mareennada ah ee waxyeelladu ka soo gaadhay daadadka.
Shaqaalaha Waaxda Fayo-dhawrka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa bilaabay hawl-gallo lagu nadiifinayo qashinka daadadka roobabku ku keeneen magaalada gudaheeda, gaar ahaan meelaha biyo-mareennadu ku yaallaan iyo goobo ku yaalla faras-magaaladaha.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment