Wednesday, September 17, 2014

Madaxweyne Obama 500-Milyan Ugu Deeqay Dagaalka Ka Dhanka ah Cudurka Ebola

New York:Sep,17,2014(Himilo)-Madaxweyne Obama, ayaa sheegay inay Xukumaddiisu u qoondaysay lacag dhan 500-milyan oo lagaga Hortegayo Cudurka Ebolaha ee Galbeedka Afrika dadka Badan ku Laayey.

obaemaObama ayaa Salaasadii booqasho ku tagay xarunta Maraykanka ee ka hortaga cudurada CDC oo ku taal magaalada Atlanta isagoo halkaasi kusoo bandhigay qorshihiisa ku aadan cudurka halista ah ee EBOLA.

“Cudurka Ebola maaha mid khatar kaliya ku ah gobalka galbeedka Afrika balse waa mid khatar ku ah caalamka oo dhan…”ayuu yidhi Obama oo sheegay in loo baahan yahay in lagu dadaalo cidhibtirka cudurkan.

Cudurkan ayaa dad badan ku laayey Dalalka Galbeedka Afrika, waxana la arkay inuu si xawli ah u fidayo oo loo baahan yahay dagaal in lala galo, iyadoo Haatan maaliyaddii ugu badnayd uu Maraykanku ku ballan qaaday.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment