Hargeysa, 23 Sept, 2014 (Himilo)- Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa qaaddacay is-faham Axaddii todobaadkan dhex-maray Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE iyo Xukuumadda Somaliland, kaasoo ay sheegeen in laga gaadhay khilaaf Cirka isku shareeray oo ka taagnaa diiwaangelinta Madaniga ah ee Xukuumaddu waddo oo ay 11-kii bishan wada-jir u qaaddeceen labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI.

Waxa uu Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo shalay Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, sheegay in heshiiskaas mugdi iyo madaw badani ku jiro, wax allaala wax lagu heshiiyey oo Shacabka iyo isagu fahansan yihiinna jirin. Waxa kale oo uu Jamaal kalsooni-darro ka muujiyey hirgelka iyo inay sidooda u fuli karaan heshiisyada ay Xukuumadda talada haysaa la gasho Xisbiyada Mucaaradka ah, isagoo ku dooday inay qaar hore oo ay wada-galeen-ba ka baxday.
“Heshiiskaas waxaan ka maqlay Warbaahinta, manuu ahayn heshiis aan wax ka ogaa oo aan taladiisa wax ku lahaa, waxaanu ahaa heshiis aan wax qodobbo ah ama wax qoraal ah oo la kala saxeexday aanu jirin, nimankii ka hadlayeyna waxaan arkayey iyaga oo kala hadlaya oo mid waliba meel ku dhufanayo. Markaaa, sida ay dadka caadiga ahi ugu jaah-wareereen ayaan aniguna ugu jaho-wareeray heshiiskaas la sheegayo ee la gaadhay oo dadkii meesha joogay qofba si u sharxay, mid yidhaahda hal qodob ayey Mucaaridku ka cabanayeen oo waannu u saxnay, mid yidhaahda Madaxweynaha ayaa ka daba-gaynaya laba qodob heshiiska qabyo qoraalka ah,” sidaa ayuu yidhi Musharrax Jamaal Cali Xuseen.
Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Horta, waxa hore u jiray heshiiskaas oo saddexda Xisbi Qaran kala saxeexdeen Madaxweynuhuna oggolaaday, beesha caalamkuna markhaati nooga ahayd, baryahan danbe annagu heshiiskaas ayaannu culayska saarnay, kaasoo ahaa in labada diiwaangelinood is barbar-socdaan, shalay (Axaddii dorraad) sidii ay nimanka heshiiska ka hadlayey u hadlayeen weli wax cad may ahayn, anigu qodobbadii lagu heshiiyey weli ma hayo welina maan arag.”
Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in haddii waxa lagu heshiiyey marka la tuso ay sax ugu muuqdaan inuu taageeri doono, haddii kelana uu ganafka ku dhufan doono aqbalaadda heshiiskaas aan nuxurkiisa la shaacin, waxaanu yidhi; “Haddii wax hore lagu heshiiyey oo wax laga beddelayo dee Xisbiyada inay dib isugu noqdaan oo ay dib u eegaan Guddiyadooda fulintu intay fadhiistaan oo laysku raaco si ay dimuquraaddiyadi u hirgasho ayey ahayd, markaannu aragno waxan lagu heshiiyey waxa ay yihiin haddii ay wax macquul ah noogu muuqdaan waannu taageeri haddii kalana ganafka ayaannu ku dhufanaynaa, sababtoo ah maaha in la jaah-wareeriyo Shacabka Somaliland.”
“Diiwaangelintan Madaniga ah laftarkeeda ayaannu dhawr jeer ka hadalnay inay carqalado badani ku jiraan, Xukuumadduna ka dhago-adaygtay heshiisyadaas hore, shalayna (Axaddii toddobaadkan) inay ku jirtay iyo in kale kala garan mayno, 200 goobood ayey ka dhigeen goobaha diiwaangelinta halka ay tii innoogu danbaysay ahayd 1800 goobood oo weliba ay innagu yaraayeen, sida loo kala qaybiyeyna beelo badan ayaa ka cabanayey, bil dhan wixii dadka lagu jaho-wareeriyey maaha in aayar layska yidhaahdo waa la heshiiyey wixii lagu heshiiyeyna aan loo sheegin waxay u eekaanaysaa qayrul-masuulnimo iyo jaho-wareer, dadka oo dhanna waa inay talada ka mid noqdaan oo laysla ogaadaa waxan oo dhan, beeshii caalamka ayaana inna daawanaysa.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Jamaal.
Mar uu Musharraxa Jagada Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen ka hadlayey heerka kalsoonida uu ku qabi karo heshiiskaas, waxa uu yidhi; “Anigu kalsooni yar ayaan ku qabaa inay Xukuumaddu fulinayso wixii lagu heshiiyey iyo heshiisyada ay gasho, Xukuumadduna dhawr jeer ayey heshiisyo la gashay Xisbiyada Mucaaridka ah, dhawr jeer ayaa ballamo loo qabtay oo lagaga baxay Xisbiyada, dhawr jeer ayaa heshiisyo lala galay oo lagaga baxay (Mucaaradka), inaannu aad yar sacabka u tunno annaga oo og wixii hore u dhacay xaalkuna noqdo Shinbirayahow Heesa waa in marka hore waxani ay noqdaan wax macquul ah oo ummadda u cuntamaya, kuna salaysan heshiiskayagii hore, haddii aanu hesiiskayagaas hore ku salaysnayn waxay noqonaysaa inaanu ka soo hor-jeedsanno.”
Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa bil iyo badhkii u dambeeyey Shacabka ku dhego-barjeeyey xumaanta, gal-daloolooyinka, iyo dhalliiloo ay sheegayeen inay leedahay diiwaangelinta Madaniga ah oo ay ku tilmaamayeen mid ay Xukuumaddu wadato, kuna maleegayso shirqool iyo khiyaamo ay dib ugu dhigayso wakhtiyada diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo doorashada Madaxtooyada, taasoo markii dambe soo gaadhay heer ay labada Xisbi soo wada-saaraan go’aan wada-jir ah oo ay sheegeen inay ku qaaddeceen guud ahaan diiwaangelinta Madaniga ah 11-kii bishan aynu ku jirno ee September.
Hase-yeeshee, Xukuumadda iyo labada Xisbi Mucaarad oo isku fahmay in laga wada-hadlo khilaafka ka taagan diiwaangelinta, ayaa kulan ay Madaxweynaha oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenku iyo Guddoomiyeyaasha Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI oo isku dhinac ahaa iyo Xisbil-xaakimka KULMIYE oo Xukuumaddiisa la jiray yeesheen Sabtidii iyo Axaddii toddobaadkan, waxay Axaddii ku sheegeen inay heshiis ka gaadheen khilaafkaan ka taagnaa diiwaangelinta, iyaga oo sheegay inay ku heshiiyeen wax ka beddel lagu samaynayo qodob ku jira Xeerka diiwaan-gelinta oo dhigaya in qofka kaadhka codbixinta qaadanayaa uu sito kaadhka aqoonsiga muwaadinnimada, balse qodobkaas loo beddeli doono in wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha ku shaqo leh diiwaan-gelinta Madaniga ahi ay ku sugnaadaan goobta lagu bixinayo kaadhka codbixinta si qofka aanay hore ugu suurto-gelin uu halkaas uga qaato aqoonsiga muwaadinimada oo qaadashada kaadhka codbixintu ku xidhan tahay.
Himilomedia.com
Hargeysa/Somaliland
No comments:
Post a Comment