Sunday, September 7, 2014

Nuxurka Go’aamo aan lagu taageerin Qaranimada Somaliland oo ka soo baxay Shirkii Xingalool & Wasiir Cadami oo laga horjoogsaday Ka qayb-galkiisa

Xingalool, 07 Sept, 2013 (Himilo)- Shir-beleed muddo toban maalmood ah uga socday tuulada Xiingalool ee gobolka Badhan beelaha Warsangeli, ayaa shalay si rasmi ah loogu soo gebo-gabeeyey deegaankaas, waxaana halkaas laga shaaciyey go’aamo xambaarsan dhowr qodob oo qaarkood ka hadlayaan arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah Somaliland.
Shir-beleedka oo loogu wan-qalay Guuleed 2 isla markaana 28-kii bishii hore ka furay magaalada Xingalool ee gobolka Badhan, waxa saamayntiisa siyaabo kala duwan uga hadlay wasiirro xukuumadda ka tirsan oo deegaankaas ka soo jeeda. Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa shirka ku tilmaamay mid lagu abaabulayo arrimo siyaasad oo ka dhan Somaliland, halka wasiirka Gaashaan-dhigga Axmed Xaaji Cali Cadami uu ku sheegay inuu yahya shir dhaqan oo aan siyaasad shaqo ku lahayn isla markaana ujeeddada loo qabtay aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin Somaliland.
Shir-beeleedka oo loogu wan-qalay Guuleed 2 waxa qaban-qaabadiisa iska lahaa Suldaanka Guud ee Beelaha Warsan-geli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Cali Shire waxaana ka qayb-galay ergooyin iyo madax-dhaqameed ka kala socday deegaanada iyo Jufooyinka beesha Warsan-geli, Qurbejoog waddamada dibadda uga yimi ka-qayb-galka shirka iyo Marti-sharaf kale, in kasta oo ay jiraan Beelo ergooyinkoodu ka maqnaayeen oo qaaddacay ka-qaybgalka shirkaas.
Go’aamada shalay lagu shaaciyey gunaanadka shir-beeleedka Guuleed 2, ayaa loo kala saaray Afar qaybood oo xambaarsan qodobbo ku saabsan dhinacyada siyaasadda, nabad-gelyada iyo dhaqanka, haseyeeshee laguma xusin qodob kaliya oo ka hadlaya mawqifka beeshaasi ka qabto jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland.
Afhayeenka shirka Guuleed 2 Cali Jaamac Faarax, ayaa shalay madasha shirka ka hor-akhriyey go’aamada ka soo baxay shirka beelaha Warsangeli uga socday Xiingalool. Waxaanay qodobbada halkaas laga akhriyey ee Go’aamada ka soo baxay u dhignaayeen sidan:-
“In dhammaan deegaannada ay ka jiraan colaadaha iyo turxaantu lagu dhammeeyo si nabad-gelyo iyo wada-hadal ah
B)- In dhammaan khilaafyada ka dhex-jira beelaha Warsangeli ee ku saabsan magaha, deegaannada iyo xurgufaha kaleba ay ku dhammaystaan si waafaqsan shareecada islaamka.
T)- Waxa shirweynuhu baaq ku soo jeedinayaa in lagula dhaqmo beelaha deriska ah, si xushmad leh, islaanimo iyo deris wanaag leh, wixii khilaaf ahna lagu dhammeeyo wada-hadal iyo is-faham.
J)- Waxa dhammaan umadda Soomaaliyeed meel joogtaba ugu baaqaynaa inay ku wada-noolaadaan nabad-gelyo, caddaalad, wada-tashi iyo is-tixgelin.
Waxa shir-weynuhu isaga oo tixgelinaya midnimada iyo wada-jirka beelaha warsangeli ugu baaqayaa cid kasta oo ka maqan wada-tashiga Xiingalool inay ku soo biiraan geeddi-socodka midnimada, wada-jirka, walaaltinimada iyo wada-tashiga si loo gaadho midnimo waarta oo horseedaysa horumar iyo barwaaqo oo dadka wada-deeqda.
X)- Deegaanka Gal-gala ee deegaannada la xidhiidha sida Maraji, Madashoon, Harweyn, Majiyahan, geel-dibir, ceel-dibir iyo deegaanno badan oo ku xeeran, iyada oo dadkii deegaannadaas ku noolaa ay qaxoonti yihiin, bara-kacna ku yihiin deegaanno kale, dadkaas oo aan wax gacan ah ka helin beesha caalamka iyo dadka ay isku bahda yihiin.
Kh)- Waxa shirweynuhu ugu baaqayaa meelaha ay colaadu ka jiraan sidan Gal-gala iyo deegannada ku xidhiidha in colaadaha si deg-deg ah loo joojiyo, dadka deegaankana loo saamaxo inay nabad-gelyo ah ugu noolaadaan deegaamadooda, iyada oo nabadgelyo xumadu ay ku keentay dadkaas barakac iyo qaxoonti.
D)- Waxa marlabaad shirweynuhu ku baaqayaa in laga baxo deegaannadaas lagana daayo colaadda soo noq-noqotay.
R)- Waxa shirweynuhu si mug leh ugu caddaynayaa in gobolka Sanaag oo ka mid ah Siddeed iyo tobankii gobol ee soo-jireenka ahaa kana kooban shan degmo, beeshuna ay gaar u lahayd saddex degmo ee ugu ballaadhan ee kala ah Laasqoray, Badhan iyo Dhahar iyo degmada Ceerigaabo oo wadaag u ah beelaha wada-dega ay tahay sidaa in loo ogaado oo aan lagu xad-gudbi karin.
S)- Waxaanu bulshada caalamka ka codsanaynaa in gacan iyo taakulo deg-deg ah lala gaadho loona fidiyo qaxoontiga iyo barakacayaasha ku sugan deegaannada colaaduhu saameeyeen.”
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland oo qabsoomidda shirka beeshiisu qabsatay oo todobaadkii hore u amba-baxay inuu ka qayb-galo shirka Guuleed 2 ee shalay la soo gebo-gabeeyey, ayaanay u suurto-galin inuu goob-joog ka ahaado gunaanadkiisa. Wasiir Cadami oo uu weheliyo wasiirul-dawlaha Xannaanada Xoolaha oo maalintii Arbaca ee todobaadkii hore gaadhay magaalada Ceerigaabo isla markaana u dhaafay dhinaca deegaanku shirku ka socdo ee Xingalool oo 140KM dhinaca Koonfur-Bari kaga beegan Ceerigaabo, ayaa wararka la xidhiidha socdaalkiisu sheegeen inay xalay u hoydeen tuulada Xabaalo Camare oo 59KM dhinaca Woqooyi-Bari kaga beegan magaalada Xingalool ee shirka lagu qabtay, waxaanay wararku sheegeen in wasiirka iyo weftigiisa laga horjoogsaday inay ka qayb-galaan gebo-gabada shirka iyada oo lagu war-geliyey inaanay ka qayb-gali karin shirka inta uu ka dhammaanayo, waxaana la filayaa inuu ilaa maanta gaadho halkaas isla markaana kulamo la qaato madax-dhaqameedka iyo wax-garadka beesha ee shirku ugu soo gebo-gaboobay halkaas.
Shirka Deegaanka Xiin-galool oo 34-KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan, waxa qaaddacay Beelaha Deegaannada Dhahar iyo Badhan ee Warsangeli Madax-dhaqameedkooda, kuwaasoo sheegay in shirkaasi ujeeddadiisu ahayn mid danaha iyo midnimada Beesha ka turjumaysa, iyagoo ballan-qaaday inaanay xataa waxa ka soo baxa aqoonsan doonin shirkaas oo ay ku tilmaameen mid lagu dillaalayo Somaliland iyo Puntland oo Koox gaar ah oo Qurbo-joog u badani wadato.
Waxa sidoo kale, shirkaas walaac xooggan ka muujiyey Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo sheegay in shirkaasi natiijadiisu la mid noqon karto Shirkii Kooxda Khaatumo la baxday ku qabsatay Deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool ee ay Cali Khaliif Galaydh Madaxweynaha ugu doorteen. Hase-yeeshee, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa isagu taageeray Shirkaas oo uu sheegay inuu yahay mid beeleed oo dhaqan oo aan wax dhibaato ah laga filan karin, kana soo bixi doonin, haseyeeshee, sida ka muuqata qodobbada shirka ka soo baxay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment