Waxa ay Maamulkaasi sheegeen inaanay waxba ka weydinayn arrimaha la xidhiidha Shidaal-qodista Dawladda Federalka ah, maadaama dhulka ay iyadu maamusho ay Shirkado shisheeye kula heshiisay.Ciise Maxamuud Faarax (Dhollowaa) Agaasimaha Macdanta iyo shidaalka Puntland oo Magaalada Boosaaso Warbaahinta kula hadlayay, ayaa tilmaamay in Puntland aanay cid kala tashaneyn in dhulkeeda ay ka baadho shidaal, sidoo kalena Dowladda Soomaaliya waxba aanay ka quseyn arintaasi.
Wuxuu kaloo sheegay in nasiib-daro ay tahay hadalkii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa digniinta ku aadan Shirkadaha ku howlan Shidaal Baadhista deeganada maamulkaasi.
Ciise Maxamuud Faarax (Dhollowaa) Agaasimaha Macdanta iyo shidaalka Puntland, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dhawaan deeganada maamulkaasi laga heli doono shidaal, maadaama hada meel wanaagsan ay mareyso baadhista shidaalka.
Sidoo kale Agaasimaha wuxuu carabaabay in Shirkadaha ku sugan deeganada Maamulkaasi ay u fasaxan yihiin baadhista Shidaalka deeganadaasi, maadaama Puntland ay u fasaxday arintaasi.
Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaan wanaagsaneyn xidhiidhka ka dhaxeeyay, wixii ka dambeeyay markii Dowladda ay ku dhawaaqday Maamul usameynta Gobalada Dhexe ee dalka oo Puntland ay kasoo horjeesatay in Gobalka Mudug deeganadeeda lagu soo daro maamul usameynta Gobalada dhexe.
Deeganada Maamulka Puntland, ayaa hada waxaa ka socda howlo ku aadan Shidaal baadhis ay wadaan Shirkado Ajaanib ah oo deeganadaasi ku sugan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment