
Wareysiga uu siiyay Faarax Maxamed Faarax Shabakadda VICE ee Maraykanka laga leeyahay toddobaadkan dhammaaday, waxa uu ku sheegay inaanay wax baqdin ah ka qabin hanjabaadaha Mareykanka iyo Xulufadiisu ku weerarayaan Daacish, isla markaana ay yihiin koox uu Alle garab-taagan yahay, cidkastana ay ka guuleysan doonaan ugu dambeyn.
“Illaahay idankiis, waxaan qorsheynaynaa inaan dhawaan weerar ka fulinno magaalada New York, hawshaasna waxaa wada qaar ka mid ah Walaalaheen oo halkaas ku sugan, Alle ayaana mahad leh.” Sidaa ayuu yidhi Faarax oo dhoolla-cadaynayaa, waxaanu intaas raaciyey oo uu yidhi; “Weerarka ay abaabulayaan saaxiibbadey wuxuu noqon doonaa mid cajiib ah.”
Sidoo kale, Wiilkan Soomaaliga ah, ayaa u sheegay Shabakadda inay ISIS ku gaadhay go’aan in haddii Mareykanku uu dilo qof iyaga ka mid ah ay iyaguna dili doonaan qof iyaga ka mid ah. Isagoo xusay inay Gowrici doonaan kuwa Gaalada ah iyo Carruurtooda-ba.
Mar uu ka hadlayay naftiisa ayuu sheegay inuu habeen iyo maalin dagaal ku jiro, isla markaana uu u yimid Ciraaq inuu Diinta Islaamka difaaco. Isagoo xusay in dhallinyarada ay Kooxda Daacish ku wada jiraan ay ugu yeedhaan Abu-Usamaha.
Faarax ayaa lix toddobaad ka hor Warbaahinta caalamku sheegtay in lagu dilay dagaal ka dhacay Ciraaq, balse toddobaad ka hor ayuu ku qoray Barta Twitter-ka uu ku leeyahay inuu nool yahay oo aanu dhiman. Laakiin-se uu soo gaadhay dhaawac, balse uu hadda ka bogsaday oo uu fiican yahay.
Mar uu Faarax Maxamed Faarax Shirdoon ka hadlayay ku biiristiisa kooxda Daacish ayuu sheegay inaanay jirin cid hal eray u sheegtay, balse uu isagu go’aanday inuu kooxda Daacish ku biiro. “Aniga ayaa akhirsta Wargeysyada…Qur’aankana si fudud ayaan u akhrisan karaa.” ayuu hadalkiisa ku daray.
Su’aal laga weydiiyey inay wareysi la yeesheen Ciidan Sirdoon ah, shan casho ka hor intii aanu kasoo tegin dalka Canada ee isaga iyo qoyskoodu ay degganaayeen wuxu ku jawaabay; “Dhammaan Ciidammada Sirdoonka waa kuwo aan waxba garanayn.” Isagoo intaas ku daray in markii hore ay isugu sheegeen inay yihiin FBI, balse ay markii dambe noqdeen Ciidamada Sirta ee dalka Canada.
Wiilkan oo uu Adeer u yahay Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa iska jeex-jeexay Baasaboorkii Canada ee uu haystay markii uu tegay Ciraaq kuna biiray kooxda Daacish sida uu sheegay, isagoo u hanjabay dalalka Canada iyo Mareykanka.
Wiilkan ayaa waxa uu ka mid yahay tiro Dhalinyaro Soomaali ah oo ku biiray kooxda ISIS ama Daacish loo yaqaan oo ka dagaallanta qaybo ka mid ah waddamada Ciraaq iyo Suuriya, waxaana Soomaalida ku biirtay kooxdaas ka mid ah Gabdho aad u da’ yar oo Soomaaliyeed oo ka soo baxsaday qoysaskooda oo ku dhaqan qaar ka tirsan waddamada Yurub oo ay Waxbarasho iyo Nolol fiican ku haysteen.
No comments:
Post a Comment