Warbixin ay dhawaan soo saartay ha’yada caafimaadka dunida ayaa lagu sheegay in dad kor u dhaafaya 800 qof ay sanad kiiba isku dilaan dunida kuwii oo nool,taas oo ka dhigtay celcelis ahaan in 40kii daqiiqo gudahoodba uu dunida qof isku dilo, waxbixintan ayaa waxa lagu sheegay in dilalkaasi ay u badan yihiin kuwo qofku iskii isku dilo oo daldalaad u badan.
Warbixintan ayaa shaacisay in 75% ay ka dhacdo wadamada dhaqaale ahaan hooseeya ama waxa qofka soo galaa uu yar yahay iyadoo ay jiraan tiro aan badnayn oo ka mida dadka ku dhaqan dunida horumartay dhaqaalahooduna aadka u sareeya inay isku dilaan arrimo la xidhiidha isku buur iyo warwar xoogan oo lasoo darsa, waxaana daraasadani ay sidoo kale sheegtay in dilalka noocaas ah ee dunida kusoo badanaya ay sabab u tahay adeegsiga maandooriyaasha halista badan ee dunida laga isticmaalo khaasatan kuwa dunida horumartay aadka looga adeegsado.
Hay’ada caafimaadka dunida ayaa warbixintoodan oo sanadle ah waxay ku sheegeen in marka la barbar dhigo tirada dadka isku dilay dunida sanadadii hore ay sanadkan aad u badan yihiin taas oo u muuqata in xoog ay usoo kordhayso dilka shakhsiga ah ee ay dadku isku dilaa, iyadoo kiisaska dilka shakhsiga ah ee dunida sanadkan ka dhacay ay u badna yihiin kuwo daldalaad ah oo qofku gacantiisa isku dilay.
Warbixintan ayaa sidoo kale waxay hoosta ka xariiqday in inta ugu badan ee dhacdooyinka is-dilka ama daldalaada ah ee dunida ka dhacay markii baadhitaano lagu agooday in markii ay dhacayeen aanay taam ahayn maskaxdoodu taas oo muujinaysay in kahor inta aan dadkaasi is dilay aanay is daldalin ay isticmaaleen maandooriyayaal halis ah oo ku khasbay inay isdilaan.
Khubaradda caafimaadka ee warbixintan soo badhigay ayaa sheegay in arrintan oo aad ugu badan wadamada dunnida saddexaad ay ugu wacan tahay inay sii fidaan go’aano aanay dawladaha wadamadaasi kasoo saarin arrintan, ama wadamadaasi oo aan lahayn qorshayaal habaysan oo ku tacaluqa kiisaska dilka shakhsiga ah sidi ay u xakamayn lahaayeen, waxaana warbixintani xustay in dunida oo dhan 28kamida wadamada ku yaala ay leeyihiin xeerar iyo go’aano arrintaasi lagaga hortagi karo, iyadoo dunida inteeda kalana aanay wali ku baraarugin khatarta arrintani.
Ugu danbeyntii warbixintan ayaa lagu sheegay in dadka ugu badan ee kiisas dhimasho ah naftooda ku haligaa ay u badan yihiin dadka da’doodu ka sareyso 70jirka, halka ay kusoo xigaan dhalinta da’doodu u dhaxayso 15-29 jir.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment