Wednesday, September 10, 2014

Wasiirka Boosaha Somaliland Oo Sheegay inaanu jirin Farqi u dhexeeya isaga iyo Wasiir Xirsi, Kana Hadlay Halka ay wax Marinayaan Guddidii Loo Saaray Tabashada Deegaanka Awdal

Hargeysa:Sep,10,2014(Himilo)-Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Somaliland oo la xidhiidhay Inuu Wasiirka Madaxtoyadu yahay Wasiirka Wasiirrada dalka.

terWasiir Maxamed Jaamac oo Maanta la Hadlay qaar kamid ah Saxaafadda Madaxa Bannaan ee Dalka, ayaa hadalka Madaxweynaha ee Mucaaridku ku sheegay mid sharciga kabaxsan ku sheegay wax aan mudnayn in la dhibsado oo Wax laga soo saaro.

Maxamed Jaamac Abgaal, waxa uu tilmaamay inaanu jirin wax farqi ah oo u dhexeeya Wasiir Xirsi iyo isaga, isla-markaana ay Yihiin Laba Wasiir oo Siman, “Haddii Madaxweynuhu Eray yidhaahdo waxa uu Noqon karaa eray Kaftan ah, mid aan loogu talogelin baa qofka Bani’aadamka ah kasoo bixir kara. Maantana wasiirka madaxtooyada waa laga yaabaa in shaqadii uu madaxweynuhu u xilsaaray inuu sidii saxda ahayd uga soo baxay, laakiin wasiirkaas(xirsi) iyo anigu halkan aan fadhiyo laba wasaaradood oo isku mid ah ayaanu qaranka u wada Haynaa, wax aanu ku kala duwannahayna ma jiraan.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal.

Wasiir Abgaal waxa kale oo uu ka Hadlay Tabashada kasoo yeedhay Waxgaradka Deegaanka          Awdal, waxana uu sheegay inay tabashadooda u mareen si nidaamsan oo asluub leh, isla-markaana si fiican loo wado turxaan Bixinteeda, “waxan qabaa inay reer awdal yihiin dadkii dalkan lahaa waliba dareemaya inay waxbadan gashadeen anna kamid baan ahay oo sidaas baan qabaa, haddii ay wax tawdeena waa xaq oo bani’aadamka oo dhan baaa wax taban kara, sidii asluubtu ahayd bayna soo mareen, madaxweynahana toos bay iskugu arkeen Borama, wayna la Ballameen oo Madaxtooyada ayuu kula ballamay, Xilligii Ballantan miiska dushiisa ayey ku wada Hadleen, si wanaagsan oo gun iyo Baar ahna way u wada Hadleen, madaxweynuhuna wakhti fiican buu siiyey, waxana ay halkan ka tageen iyagoo iyagoo is fahamsan.” Ayuu yidhi wasiirku.

Wasiir Abgaal, waxa uu sidoo kale ka Hadlay Tallaabooyinka ay ilaa iyo Haatan qaateen Guddidii uu madaxweynuhu u igmaday turxaan-bixinta tabashada Reer Awdal oo uu isagu xubin ka ahaa iyo Tallaabooyinka ay ilaa haatan qaadeen, waxana uu yidhi, “imika taayadu waxay maraysaa meel fiican, waa fadhiisanay oo jadwalkii, qorshihii iyo wixii aanu ka Hadli lahaynba waa samaynay Guddoomiyuhuna awalba waa noo magacawnaa qaabkii shaqaduna waa noo socotaa waxana aanu rajaynaynaa inaanu wax fiican soo saari doono.”

Wasiirku waxa hadalkiisa ku daray inay wixii tabasho ah ee kasoo baxa Shaqada ay guddi ahaan ku jiraan la socodsiin doonaan dadkii ay khusaysay, isla-markaana ay ku dedaali doonaan inay dhameeyaan tabashooyinka Taagan.

Wasiir Maxamed Jaamac abgaal ayaa ka mid ahaa Wafti wasiirro toddoba ah oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo u saaray Turxaan-bixinta Tabasho xooggan oo Waxgaradka Reer Awdal hordhigeen Madaxweynaha, waxana la filayaa inay dhawaan soo saari doonaan Natiijada Shaqada uu madaxweynuhu u igmaday.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment