
“Waxaanu leenahay waddan immika ku socda inuu u midoobo Qaran ahaan, annaga oo hindisahayagu in sannadka 2016-ka la helo Soomaaliya oo midaysan.”
Waxa uu sheegay in dawladdiisa Federaalka ahi guulo wax ku-ool ah ka gaadhay inay isu-keento isla markaana ay Soomaalida oo dhan wada-shaqayn kala yeelato geeddi-socodka siyaasadeed ee dhismaha qaranimada, hadday yihiin haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.
“Guushayadu waxay u baahan tahay taageerada saaxiibadayada adduunka, laakiin inteeda badani waxay u baahan tahay lahaanshiyaha iyo daacadnimada shacabka Soomaaliyeed.”
Khudbadda madaxweynaha Soomaaliya jeediyey, ayaa ku soo beegantay dhowr maalmood ka hor arrimaha Soomaaliya lagaga hadlay Shirweynaha Qaramada Midoobay oo ay ka soo qayb-galeen wufuud heer caalami ah.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo kulanka ka hadlay, ayaa xusay in dedaallada nabadeynta Soomaaliya u baahan tahay taageero gacmo wada-jir ah oo wax lagaga qabto, haseyeeshee waxa uu ka digay inay shaqo badani u hadhsan tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu khudbaddiisa ku soo qaatay dhibaatooyin bani’aadamnimada oo soo waajahay dalkiisa, isaga oo xusay in 3.2 milyan oo shacabkiisa ahi macaluul u dhimanayaan isla markaana u baahan yihiin gargaar deg-deg ah oo nolosha lagu badbaadiyo.
Waddanka Soomaaliya oo taageero ka helay beesha Caalamka, ayaa la qorsheeyey in sannadka 2016-ka laga qabto doorashadii u horeysay ee shacabka dalkaasi si dimuqraaddi ah ugu dareeraan muddo Afartan Sanno, taas oo qayb ka ah yoolka dhinaca horumarka ee loo dejiyey in la gaadho xilligii la dhisay dawladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud sannadkii 2012-kii.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment