Hargeysa, 09 Sept, 2014 (Himilo)- Xisbigiya Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa dhalliilay, isla markaana cambaareeyey hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo mar uu ka hadlayey Axaddii kulan uu Maayerrada iyo Badhasaabyada magaalooyinka iyo gobollada dalka kula yeeshay Madaxtooyada oo lagaga hadlay diiwaangelinta Madaniga ah uu Wasiirka Madaxtooyada ugu yeedhay Wasiirka Wasiirrada.
Xisbiga WADDANI waxa uu hadalkaa Madaxweynaha ka soo yeedhay ku tilmaamay sharci-darro, burburinta dimuquraadiyadda iyo Shuruucda dalka ku yaalla oo uu ku tallaabsaday Madaxweynuhu, isla markaana uu ka badheedhay. War-Saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee WADDANI ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbigaas Axmed Muumin Seed shalay, ayaa lagu faahfaahiyey heerka WADDANI ka taagan yahay hadalkaas iyo qodobbo kale, waxaanu War-Saxaafadeedkaasi u qornaa sidan:-“Somaliland waa dal dimuqraaddiyad ku dhisan maaddaama oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka si isku mida loo soo doorto oo midna midka kale aanu xilka ka qaadi karin Madaxweyne Axmed-Siilaanyo wuxuu ku dhawaaqay Ra’iisal-wasaare (Wasiirka Wasiirrada) kaasoo ahaa sharci-darro, isla markaana xad-gudub ku ah Dastuurka iyo Shuruucda dalka, isla markaana ka hor imanayasa saami-qaysbiga Somaliland ku soo caano-maashay.
Somaliland waa loo soo dhintay maantana waxay taagan tahay in la difaaco oo mar kale loo dhinto si ummadda looga kor qaado nidaamka keligii-taliska ah ee Wadaaddada xag-jirka ah lagu wareejiyey waxaan bulshada ugu baaqayaa in ay codkooda iyo cuudkoodaba ay mideeyaan Xukun qarqooshka ahna iska dulqaadan.
Madaxweyne Siilaanyo iyo inta ka agdhawi dalkii way burbuiyeen Bariga dalka sidaad wada ogtihiin waxa dawlad ka samaystay Cali khaliif Galaydh, Xukuumadda Siilanyana way ku saacidday, Galbeedkana waxa lagu khasbayaa inuu samaysto Maamul-goboleed aanu rabin.
1. Mar haddii Salaaddiintoodi la dhaqaysan waayey. 2. Madaxwyne Ku-xigeenkiina xilkisii cid kale loo magacaabay (Wasiirka Wasiirrada). Madaxweyne Siilaanyo iyo qaraabadiisu caqliga dadka ayey ku ciyaarayaan dadka iyo dalkana way kala dirayaan si aan loola xisaabtamin mustaqbalka.
Afka Carabiga waxa lagu yidhaa Ra’iisal wasaare Ingirsigana Prime minister Soomaaligana Wasiirka Wasiirrada ama Wasiirka koowaad sidii Madaxweynuhu ka shaaciyayey Warbaahinta wuxuu u magacaabay Xirsi Cali Xaaji Xasan Ra’iisal wasaare sharci-darro ah loona baahan yahay in lagula xisaabtamo Madaxweynaha oo Baarlamanku Shacabka metelaan ku inbiij gareeyaan inta aanay bulshada gaadhin in ay gacanta isula tagaan.
Madaxweyne cid aqbalaysaa ma jirto Madaxweyne, Guddoomiye Guurtida iyo Ra’iisal-wasaare il-madeer ah. Somaliland aqbali mayso kumana sii jiri karto qaraabo-kiil iyo isku-dul-noolaansho baal marsan awood qaybsigii Somaliland ku heshiisay ee Shirwaynihii ka dhacay Boorama. Waxaan cod dheer ugu sheegaynaa Siilaanyo iyo Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtida oo aan leeyahay ka qabta nimanka calooshooda u shaqaysta-yaasha ah ee aad Adeerka u tihiin, ummadda Somaliland idinka waxaan idin leeyahay ku karaamo seegte Hoggaaminta Jamhuuriyadda Somaliland ee ha aas Qaran seegina da’daad joogtaa dunuubta ayey iska dhawrtaa ee u tudha dadka iyo dalka aad isu kaashateen dumintiisa ee cabbudhinta, Afduubka, Xasillooni-darrada, ee Caddaalad-darrada qaawani Hoyga u noqotay Waar Illahay Iyo Adoomihiisa Ka Baqa,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska ku-simaha guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment