Wednesday, October 8, 2014

Askar ka tirsan Ciidammada dawladda Soomaaliya oo Midkood Gabadh 9 Jir ah Kufsaday oo dil lagu xukumay

Muqdisho, 08 Oct, 2014 (Himilo)- Askar ka tirsanaa Ciidammada Soomaaliya oo mid ka mid ahi Kufsi u geystay Gabadh Sagaal jir ah, ayay Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidammadu Salaasadii Shalay ku xukuntay dil toogasho ah, ka dib markii kiisaska ay ku kala eedaysnaayeen Maxkamadda kaga hor-caddaadeen, iyaguna ay qirteen.
askarta la xukumayAskartan shalay dilka lagu xukumay oo ka kala tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda iyo Ciidammada degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ee Soomaaliya, ayaa waxay kufsi iyo dil u kala geysteen Marxuum Cabdifitaax Jaamac Diiriye oo 25-sano jir ahaa iyo dhibbane Ifraax Axmed Cabdulle oo sagaal sano jir ahayd oo uu mid ka mid ah labada Askari Kufsi iyo dhibaatooyin kale kula kacay.
Xukunka labadan Askari lagu riday ayaa waxa ku dhawaaqay Afhayeenka Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidammada qalabka sida Cabdillaahi Muuse Kayse oo sheegay in eedeysanayaasha lagu helay dembiyada loo haystay.
“Maxkamadda Ciidammadu markay dhageystay dembiyadii loo kala haystay, Maxamed Mahdi Diiriye oo 19-jir ah kana tirsan Ciidammada Nabad-sugidda in uu dilay Marxuum la oran jiray Cabdifitaax Jaamac Diiriye oo 25-jir ahaa iyo Axmed Nuur Guure (Dhuun-gooye) oo 21-jir ah loona haystay inuu Kufsi u geystay Gabadh Soomaaliyeed oo sagaal sano jir ahayd oo lagu magacaabo Ifraax Axmed Cabdulle waxay ku xukuntay labadoodaba dil toogasho ah,” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Ciidammada Derajada Koowaad ee Ciidammada Soomaaliya Cabdillaahi Muuse Keyse.
Sidoo kale, Afhayeen Keyse, ayaa sheegay in eedeysanayaashu ay qirteen inay galeen dembiyadii loo haystay, sidoo kalena ay dembiyada loo haysto si cad uga caddeeyeen Markhaatiyaashii Maxkamadda ay Xeer-ilaalintu hor-keentay.
Labadan Askari ee dilka lagu xukumay oo ahaa dhallinyaro ayaa Maxkmadda ku sugnaa markii xukunka lagu ridayay, waxaana Afhayeenku uu sheegay in xukunkooda loo cuskaday sharciyadda dalka u degan iyo Diinta Islaamka. Afhayeenka Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidammada qalabka sidaa ma sheegin in Xukunsanayaasha dilka lagu xukumay ay Xukunka ku dhacay ka qaadan karaan wax Racfaan ah iyo in xukunkoodu sidaa ku fulayo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horraantii sannadkan soo saaray Wareegto uu ku amray in Askariga Gabadh Soomaaliyeed Kufsi badheedh ah inuu u geystay ay ku caddaato ama la qabto isagoo Kufsi geysanaya in halkiisa lagu toogto. Waxaanay Maxkamadda Ciidammadu hore dil ugu xukuntay Askar Ciidammada ka tirsanaa oo ay ku caddaadeen dembiyo kala duwan oo ay inay baadhasho ku kaceen, inay Isbaarooyin dhigteen iyo qodobbo kale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment