Sunday, October 19, 2014

Cuqaal iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Deegaanada ay u dhasheen Saraakiishii Ciidan ee Dhawaan Qorilugud Lagu Laayey Oo Xukuumadda Dhaliilo u Jeediyey

Hargaysa:Oct,19,2014(Himilo)-Qaar kamid ah Cuqaasha,Salaadiinta iyo Waxgarad kasoo jeedaa Deegaannada Galbeedka somaliland, ayaa eedo kulul u jeediyey sida uu wali gacanta xukuuumadda uga Maqan yahay Gacan-ku-dhiiglihii loo tirinayey Dilka saraakiishii ka tirsanayd ciidanka qaranka ee dhawaan lagu laayey Deegaanka Qorilugud ee Gobolka Buuhoodle.

qumeWaxgaradkan oo saaka shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ku baaqay in xukuumadda Looga Fadhiyo in caddaalada la horkeeno cidda dilkaas geysatay oo haatan muddo aan gacanta lagu haynin.

Sidoo kale waxa ay Saluug Xoogan Ka muujiyeen Askartii Shalay Maxkamada Darajada Koobaad ee Ciidanka qaranku Xukunada Ku Riday, askartaas oo Fududaysay Dilka saraakiisha,kuwaas oo ay Shegeen inaanay U xidhnayn Ee layska Siidaayo.

Caaqill Cabdi Cumar Warsame oo ka mid ah salaadiinta Galbeeda oo ugu Horayn Shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in xukunka shalay dhacay looga dan lahaa in lagu qanciyo iyaga, balse ay caddaynayaan inaanay askartaas la xukumay iyaga u xidhnayn, isagoo ku baaqay inay xukuumadu ka dhabayso ballanteedii ahayd inay ninkaas soo qabanayso,“Xukuumadu waxa ay noo sheegtay Hadii uu Cirka Tago in lasoo qaban Doono Gacan ku dhiig Lihii Dilay Labada taliye,Shantaas Nin ee shalay ay Maxkamadu Noo Xukuntay Anaga nooma Xidhna,Waxaana ay Ku xukunta, Xukun Dabada Laga Riixayo waxaana ay Xukuumadu Noqtay in ay Difaacayso Eedaysanayaashii Dilka Fuliyay,dilkaas araxan Daradaha Kama Samrayno,Hadii ay Xukuumadu Soo qaban waydana Anaga ayaa Soo qaban.” Ayuu yidhi Caaqli Cabdi Cumar.

Qaacil Cabdi Cumar Warsame oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku dara”Qoysaska ay saraakiishu kasoo jeedeen hadaanu nahay, Laba boqol in ka badan ayaa nagaga Maqan Kalshaale,Lakiin Saraakiishan sida loo dilay ayaa Xun,Hadii Xukuumadu Iyo Beesha Barigu Soo qaban Wayaan,waxaanu qaadan Doonaa Siday ay u dhaqmaan,Way ka gaabisay Xukuumadu Balan qaadkii Ay Nala gashay,Waxaanu Ugu Abaal gudi Doonaa Waa loowada Joogi.”

Caaqil Maxamed Cabdi Qadhwan oo isna Shirkaas Jaraa’id ka hadlay Ayaa waxa laga Xumaado Ku tilmaamay Siday Ay Xukuumadu Uga gaabisay in ay Sharciga waafajiso Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Saraakiisha Ciidanka qaranka somaliland waxaana uu yidhi,

“Waxaanu nahay Shacbi Dawlada Jecel oo garab Keeda taagan oo aanay dawladu arkayn oo ay kasii jeedo,Saacadaas Maanta laga bilaabo dawlada dhabarka ayaanu u jeedinay kamana Mid Noqon Doono,Waar ninkii Dawlada Rajo ka qabaw Hoos tag anaga waxba Noogu May hadhin,Dawladana Sagaal Bilood Ayaa u hadhay wixii shilin magaalada yaal ha ka uruursato Dabadeedna Nabad galiyo ileen waxba maydun Dhigan.”

Sidoo kale cuqaal iyo waxgarad kale oo halkaas ka Hadlay ayaa si weyn u saluugay sida aanay xukuumaddu wali tallaabo muuqata ugu qaadin soo qabashada Gacanku-dhiiglahaas, waxana ay soo jeediyeen inuu dulqaadkoodu sii dhamaanayo.

Maxkamadda Ciidamada qaranka ee Derejada Koowaad ayaa maalintii shalay waxa ay xukunno dhaadheer ku riday Tiro kamid ah askartii xerada saraakiisha la laayey ay ka tirsanaayeen, kuwaas oo maxkamadu sheegtay inay dilkaas qayb ka ahaayeen oo fudaydiyeen, balse cuqaasha reer Gabiley, ayaa cod dheer ku sheegay inaanay raggaasi iyaga u xidhnayn ilaa iyo inta la keenayo Gacan-ku-dhiiglihii dilkaas geystay.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment