Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saartay, waxa ay kaga hadashay qodobbo layskula qaatay isla markaana adhinacayadii ka qayb-galay oo ganacsato, shirkado iyo wakiillo ka socday waddamada deeqaha bixiyaa ay ku jireen, ay ka mid yihiin in kor loo qaado maalgashiga meelaha u baahan in lagu sameeyo koboc dhaqaale, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xoolaha iyo Beeraha.
Warsaxaafadeed dawladda Ingiriisku kaga hadashay shirka shalay ku qabsoomay London, ayaa u qornaa sidan: “UK iyo Somaliland waxa ay qabteen shir fursado maalgashi iyo kor-u-qaadista Beeraha loogu raadinayo, si kor loogu qaado dhaqaalaha, loona yareeyo ku-tiirsanaanta Gargaarka dibadda.Xubnaha dawladda UK uga qayb-galay shirka waxa hoggaaminayey Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Caalamiga ah, James Duddridge and Lynne Featherstone, halka weftiga Somaliland uu ka hoggaaminayey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Xubnihii ka qayb-galay shirka maanta, waxa ay isku raaceen, in kasta oo gar-gaar la siinayo Somaliland sidiisa u jiri doono, in kor loo qaado isla markaana la hirgeliyo ganacsiyada iyo Maalgashiga oo qayb laxaad leh ka qaadanaya shaqo-abuurka iyo kobcinta dhaqan-dhaqaale ee Somaliland.
Somaliland waxa ka jira shaqo la’aan saamaysay boqolkiiba 63 ragga iyo boqolkiiba 80 Dumarka da’doodu u dhaxayso 25 iyo 34-jirro, baahidanina waxay tahay ta si gaarka ah xoogga loo saarayo.
Wasiirka Xafiiska arrimaha Dibadda James Duddridge oo ka hadlay munaasibadda, ayaa yidhi, “Dawladda Ingiriisku waxay doonaysaa inay cilaaqaad la samayso waddamada Afrika, Somaliland-na kuwaas uunbay la mid tahay. Waxaanu doonaynaa inaanu ka caawinno in laysku xidho awoodda maamulka, rejada fiican iyo xoogga dadka Somaliland. Waxaanu doonaynaa inaanu dhisno oo abuurno deegaan ganacsi oo soo jiita maalgashi gudaha ah, kaas oo dhiirri-gelinaya in dadka wax bartay iyo Aqoonyahanku ay ku negaadaan dalkooda, kuwii ka tagayna ay ku laabtaan.”
Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah Lyanne Featherstone, ayaa yidhi, “Ganacsiga ayaa xuddun u noqon doona koritaanka iyo horumarka Somaliland. Mar horeba way ka jireen, Hargeysa waxa lagu kari karaa dad bilaabaya ganacsi cusub iyo meherado.Waxa kaliya ee u hadhsani waa Maalgashi, ganacsi iyo shaqo-abuur hoos u dhigi kara gar-gaarka dibadda iyo lacagaha la soo xawilo ee Somaliland ku tiirsan tahay. Dadku waxay doonayaan inay iskood u shaqaystaan. Dadku waxay doonayaan sharaf ku timaadda shaqo ay helaan, awoodna u leeyihiin inay daboolaan nolosha qoysaskooda.
Dawladda UK waxay u darban tahay inay ka caawiso sidii loo dhisi lahaa dhaqaale deggen iyo mustaqbal fiican oo Somaliland hesho. Gar-gaarka UK waxa uu Somaliland ka taageera dhinaca caafimaadka, tacliinta iyo xoojinta nidaamka maamulka maaliyadda iyo maamulka, waxaana ugu sii muhiimsan oo gargaarkayagu qayb laxaad leh ka qaadanayaa shaqo-abuurka iyo dib u dhiska adeegyada bulshada.
Laakiin, meelihii ugu muhiimsanaa ee Somaliland lahayd lama taaban. Qaybaha qaniga ah ee Beeraha iyo Xoolaha, ayaa wax-soo-saarkoodu waxtar badan yeelan haddii la maal-gashiyo Ganacsiyada kala duwan oo qayb laxaad leh ka qaadanlahaa labadan qaybood, sida adeegyada iyo wax-soo-saarka warshadaha.”
No comments:
Post a Comment