Monday, October 13, 2014

Khasaaraha Nafeed Ee Ka Dhashay Qaraxii Xalay Muqdisho Ka Dhacay Oo Kor U sii kacay

Muqdisho:Oct,13,2014(SDN/QJ)-Wararka saaka laga Helayo Cisbitaallada Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya inay kor usii kaceen tirada dadkii qaraxii xalay dhacay ku dhimatay.

oroQaraxa xalay dhacay ayaa ka dhashay gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la hordhigay MMaqaaxida oo lagu magacaabo Oromo Coffee, taas oo ahayd Goob dhallinyaradu aad u fadhiisan jireen.

Ilaa 15-ruux ayaa ku dhintay qaraxa oo ay ku jireen laba haween, sidoo kale 18-kale ayaa ku dhaawacmay, kuwaasoo dhaawacyadooda ay aad u liitaan.

Inkastoo aanay jirin cid sheegatay qaraxan ayaa hadana saraakiisha laamaha ammaanka waxay ku eedeeyeen inay ka dambeeyaan Al-Shabaab, maadaama hore looga bartay qaraxyada noocan oo kale ah.

Maqaaxida la qarxiyay ayaa ku taal dhismo ay ka furan yihiin dukaamo ganacsi oo ay furan yihiin ilaa saqda dhexe habeenkii, waxaana dadka qasaaraha soo gaadhay ku jiray dad u soo dukaameysi tagay goobaha ganacsiga ku yaalay wadada Maka Al-Mukarama.

Qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo aad u xooganaa ayaa noqonaya kii u horeeyay oo Muqdisho ka dhaca tan iyo markii 1-dii bishii hore ee September duqeyn diyaaradeed uu Mareykanka fuliyay lagu dilay Hogaamiyihii Al-Shabaab.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment