Friday, October 10, 2014

Laba Qof Oo Kasoo Kala Jeeda Dalal Nacayb Ka Dhexeeyo Oo Si Wadjir ah Ugu Guulaystay Billadda Nobel-Ka

Islamabad:Oct,10,2014(Himilo)-Sanadkan waxa La siiyey Billadda Dunida qaaliga ka ah ee Loo yaqaano Noble Peace Price-ka Haweenay iyo Nin kasoo kala jeeda Labada dal ee nacaybku ka dhexeeyo ee Hindia iyo Pakistan.

malaalaHaweenayda Da’da yare e Pakistan ee waxbarashada dumarka u doodda ee Malal Yousufzai iyo Nin Reer Hindiya ah ayaa la shaaciyey inay Mutasyteen Billadan dunada laga qaddaiyo oo muddo lasoo bixinayey.

Malala ayaa biladan la qeybsan doonta ninka lagu magacaabo Kailash Satyarthi oo ah nin si weyn ugu ololeeya joojinta caruurta aan qaangaadhka ahayn ee laga dhigo shaqaalaha.

Maanta oo jimce ah ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inay Labadan qof taariikhda ku galeen qaadashada Billadan, isla-markaana ka mid noqdeen shaqkhsiyaadka tirada yare e Magacoodu billadan ku qoran yahay.

Warkan ay ku farxeen in badan oo ku dhaqan labadaasi dal ayaa kusoo beegamaya xili ay wadamadaasi ay maalmihii lasoo dhaafay kawadeen gobalka Kashmiir duqeymo ay ku dhinteen in ku dhaw 30 qof.

Bilada Nobel Peace Price ayaa waxaa wehlisa lacag gaadheysa 1.5 Milyan oo dollar lacagtaasi oo ay wada qeybsan doonaan Malala iyo Kailash Satyarthi.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment