Sunday, October 26, 2014

“Madaxwayne Ku Xigeenku, Waa Nin Kulmiye Ah Ee Adigu (Cirro) Soo Bandhig Xeerka Aad Guurtida U Gudbisay...”

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac-Shabeel

Hargeysa, 26 Oct, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ka difaacay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo sheegay in eedaymaha ay Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Wakiilladu u jeediyeen Guddoomiye ahaan aanay waxb aka jirin ee laga soo abaabulo Guriga Madaxweyne Ku-xigeenka.
jj-14Jaamac-Shabeel oo shalay Hargeysa kula hadlay Kalsan TV, ayaa sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenku yahay Masuul ka tirsan Madaxda Xisbiga talada haya ee KULMIYE, isla markaana ay Xildhibaannada Xisbiga KULMIYE iyo Xubin kasta oo KULMIYE ahi tegi karto Gurigiisa, lana shiri karto fadhiisanna karaan oo aanay jirin wax u diidayaa, hase-ahaatee aan Guriga Madaxweyne Ku-xigeenka wax laga soo abaabulay jirin. Taa beddelkeedana looga baahan yahay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu caddeeyo Nuqulka Xeerka uu u gudbiyey Golaha Guurtida ee keenay khilaafka u dhexeeya Xildhibananada Muxaafidka ah iyo kuwa Mucaaridka ah ee Wakiillada.
“Doorashada hawsheeda inta badan annaga ayaa iska leh, waxna baarlamaanka ayaa leh, waxna deeq bixiyayaasha ayaa leh, saddexdaas qolana marka ay wada shaqeeyaan ee qolo waliba ay ka soo baxdo wixii dhinaceeda ah ayey doorashadu ku qabsoomaysaa wakhtigeeda, marka aan leeyahay baarlamaanka ayaa wax leh, cabdiraxmaan Cirro oo gudoomiyaha xisbiga Waddani ah ayaa badh leh, ansixinta guddida doorashooyinka wakhtiga loo soo gudbiyey waa laga war hayaa walina lama ansixin oo isaga ayaa haya.” Sidaa ayuu yidhi Jaamac-Shabeel.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Cabdiraxmaan-Cirro, waala eedaynayaa, laakiin kuwa eedaynayaa waa inay wax cad keenaan, isna waa inuu joojiyaa xaskan uu isku mar marayo iyo meelahan kale ee uu kula gal-galanayo wax aan waxba ka jirin iyo eedaynta beenta ah, Madaxweyne Ku-xigeenka gurigiisa haddii ay fadhiisteen gurigiisa yaa u diidaya Madaxweyne Ku-xigeenku waa nin Kulmiye ah Ragga fadhiistayna waa Rag KULMIYE ah, habeen iyo maalin-na way wada fadhiyayaan waanay fadhi doonaan.”
“Adiga (Cirro) ayaa Golaha Guddoomiye ka ah waxan laga cabanayo u soo fadhiisi Golaha, Xeerka aad gudbisay soo dhig, haddii aad wax ku dartay ka noqo socon waydee, haddii aanad waxba ku darina qanci ummadda.” Sidaa ayuu yidhi Jaamac-Shabeel.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment