Thursday, October 30, 2014

Maraykanka iyo Ingiriiska oo markii u horeysay si aan looga baran uga hadlay Dhul-boobka Dawladda Yuhuudda

“Dadku waxay aaminsan yihiin in Israa’iil xaq u leedahay deegaamaynta Jerusalem (Quddus). Faransiisku wuu dhistay Paris, Ingiriisku wuu dhistay London,” – Raysalwasaaraha Yuhuudda
“Xalka muuqda waa, hadii Yuhuudu doonayso inay nabad ku noolaadaan, waa inay qaadaan talaabooyin ay ku yareynayaan xiisadda,” – Maraykanka

“Talaabadaasi waa go’aan aan caqliyad ku salaysnayn, waxay ku adkaynaysaa saaxiibbada Yuhuudda inay difaacaan eedahooda”- Ingiriiska

Washington 30 Oct, 2014 (Himilo)- Xukuumadaha Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa si adag uga soo horjeestay qorshe Dawladda Yuhuudu degsiimooyin cusub kaga hirgelinayso magaalada Quddus ee xarunta Falastiiniyiinta, waxaanay ku tallaabadaas ku tilmaameen mid ka horimanayso dedaallada loogu jiro xasilooni iyo nabad ay ku wada-noolaadaan labada shacab ee Falastiin iyo Israa’iil.
Jen Psaki(AFP)Haweenay Afhayeen u ah Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo lagu magacaabo Jen Psaki, ayaa sheegtay, in kasta oo aanay wali dawladda Israa’iil si rasmi ah uga maqal qorshahooda deegamaynta cusub, ay wer-wer xooggan ku abuurayso dedaallada Maraykanku hormoodka ka yahya ee nabadeynta Bariga Dhexe.
“Waxaan u aragnaa deegaamayntaa sharcidaro, waxaanan gebi ahaanba ka soo horjeednaa talaabadaa ay gaarka u qaateen Israa’iil,” ayey Psaki sheegtay.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry, ayaa todobaadkii hore xidhiidh ku dhexmaray khadka telefonka arrintan kagala hadlay Raysal-wasaaraha Yuhuudda, Benjamin Netanyahu, sida ay sheegtay afhayeenka wasaaraddaa Psaki sheegtay.
“Waxa jira xaalado aanan isku waafaqsanayn xukuumadda Yuhuuda,” ayey sheegtay Ms Psaki iyadoo tilmaamaysa kala duwanaanshaha xidhiidhkooda difaaca iyo siyaasada Yuhuudda ee u dhexeeya Maraykanka.
Afhayeenka Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya deegaamaynta cusub ee Yuhuuda iyo sii socoshada weeraradda argagxisada ee shacabka Israa;iil la kulmaan, iyada oo todobaadkii hore weerro gaadiid kala duwan loo adeegsday lagu qaaday laguna dilay dad shacab ah oo u dhashay Israa’iil.
“Xalka muuqda waa, hadii Yuhuudu doonayso inay nabad ku noolaadaan, waa inay qaadaan talaabooyin ay ku yareynayaan xiisadda,” ayay tidhi Ms Psaki.
Sidoo kale, dawladda Britain ayaa si weyn u dhaleecaysay qorshaha Yuhuuddu deegaamayn cusub kaga hirgeliyeen Bariga magaalada Barakaysan ee Quddus, taas oo ay ku tilmaameen tallaabo wakhti aan ku haboonayn la qaaday.
Wasiirka Arrimaha Barriga Dhexe u qaabilsan Ingiriiska, ayaa qoraal uu ka soo saartay tallaabada Yuhuuda ku sheegay, “Ingiriisku wuxuu dhaleecaynayaa qorshaha xukuumadda Israa’iil ku sheegtay wiiggan inay guryo cusub oo gaadhaya 1,060 kaga dhisayso Bariga Jerusalem (Quddus). Talaabadaasi waa go’aan aan caqliyad ku salaysnayn, wakhti aan haboonayna la qaaday.”
Mr. Ellwood ayaa sheegay in qorshaha Yuhuudu caqabad ku noqonayo gaadhitaanka xal laba dawladood oo Yuhuudda iyo Falastiiniyiintu yeeshaan. Waxaanu yidhi, “Talaabadaasi waxay ku adkaynaysaa saaxiibadda Yuhuuda inay daafacaan eedahooda, umana wanaagsana nabadeynta.”
Hadallada Maraykanka iyo Ingiriisku ku diidan yihiin qorshaha deegaamanyta Yuhuuda ayaa u muuqda mid ay kula wadaagayaan beesha caalamka oo badi si weyn uga soo horjeeda siyaasadaha Yuhuuda ee ku waajahan shacabka Falastiin.
Haseyeeshee, Raysal-wasaaraha Israa’iil oo Isniintii todobaadkan khdubad ka jeediyey baarlamaanka dalkiisa, ayaa ku adkaystay inay xaq u leeyihiin dhismeyaasha ay ka hirgelinayaan Bariga magaalada Quddus.
“Dadku waxay aaminsan yihiin in Israa’iil xaq u leedahay deegaamaynta Jerusalem (Quddus). Faransiisku wuu dhistay Paris, Ingiriisku wuu dhistay London,” sidaas ayuu Raysalwasaaraha Israa’iil ka sheegay baarlamaanka dalkiisa.
Dawladda Yuhuudda, ayaa aamisan in magaalada Quddus ka dhigtaan caasimaddooda, in kasta oo wakhtigan magaalada Tel Aviv ay xarun u tahay hay’adaha dawladda ee dalkaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment