Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qaranka Somaliland ee Darajada Koowaad ee Goboladda Galbeedka Somaliland Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax Sharmarke oo ku dhawaaqay Xukunka Danbiilayaashaas ayaa Warbaahinta u sheegay inay xukunnadan soo socda ku rideen raggii ku eedaysnaa Dilka saraakiishaas.1.Gacan ku dhiigle Faarax Maxamed Ismaaciil waxay ku xukuntay Dil
- Laba Xadhigle Carraale Muuse Cabdi oo lahaa Heeganka Xerada Dilku ka dhacay Toddoba sano oo xadhig milatari ah.
- Dable Cabdi Cawal Maxamed oo ahaa kamaan-boostihii waardiyaha ahaa sideed sano oo xadhig Milatari ah
- Dable Faarax C/laahi Maxamed oo ahaa Askarigii qorigiisa Dilka lagu fuliyey shan iyo toban sano oo xabsi Milatari ah
5.Dable Khadar Xasan Ismaaciil waa Askarigii silsilada ka furay gacan ku dhiiglaha oo maxbuus aha aka hor intaanu Dilka geysan waxaana lagu xukumay Toban Sano oo Xabsi Milatari ah Hase yeeshee waxa ay Maxkamadda Ciidanku xorriyadiisa u celisay Dable Khadar Axmed cawil kadib markii Danbi lagu caddeyn waayey, halka Gacan ku dhiiglaha oo maqan ay kaga xukuntay Dil.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment