Sunday, October 12, 2014

Muwaadin Diwaangalinta Madaniga Ahi Waa Sugida Xuquuqdaada Iyo Dhamaystirka Geedi Socodka Somaliland Ee Gooni Isku Taaga-W/Q Xasan Suudi Xirsi

(( Muwaadin ka faa’iidayso fursada diwaangalinta madaniga ah ))
Muwaadin dalka Somaliland wuxuu ka soo gudbay marxalado kala gadisan oo mid kasta ay lahayd waayaheega iyo ahmiyadeeda, waxa nasiib wanaag ah waxay xukuumada uu hogaaminaayo Mudane Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxay ku guulaysatay waxyaabo badan oo kala gadisan oo saameeya dhinaca dhaqaalaha, siyaasada, waxbarashada, arrimaha bulshada ee kale iyo maamul dajinta gobalada ilaa degmooyinka.
Muwaadin waxa ay wasaarada arrimaha guduhu oo hormoodka yahay wasiirka mudane Cali Maxamed Warancade waxay ku guulaysatay hirgalinta xeerka diwaangalinta iyo dhamaystirka iyo diyaarinta dhamaan kaabayaasha diwaangalinta oo lagu hirgaliyay wakhtigii loo qabtay ka hor loona gudbiyay dhamaan goobaha diwaangalintu madaniga ahi ka socoto waxayna fulisay wasaaradu xeerka iyo dhamaan go’aamadii golayaasha.
Muwaadin qaadashada kaadhka iyo isdiwaangalinta madaniga ahi waa sugida dhamaan xuquuda aad leedahay ee ku cad distoorka, waana xaq ay u simanyihiin dhamaan muwaadiniintu laga bilaabo madaxwaynaha ilaa qofka caadiga ahi.
Muwaadin diwaangalintu waa furahaaga horumarka noloshaada oo sumad kuu ah kala soocida adiga iyo ajanabiga taasoo xaq kuu siinaysa in aad dalkaaga ka hesho waxkasta oo aad xaq u leedahay haddii ay tahay shaqo, ganacsi, waxbarasho iyo dhamaan tiirarka nolosha oo mid walba u baahan tahay cadayntaada inaad haysato aqoonsi.
Muwaadin mar haddii wasaarada arrimaha guduhu oo ka turjumaysa tilmaamaha madaxwaynaha iyo go’aamada golayaasha oo fursad laguu siiyay in aad si sahalan aad ku hesho aqoonsiga kaadhka ah haddii aad sidaa yeeli waydo oo aad qaadan waydo aqoonsiga diwaangalinta madaniga ah waxa hubaal ah inaad la kulmi doonto caqabado iyo su’aalo cadaynteedu wakhti dheer kaa qaadan doonto.
Ugu danbayntii waxaan ugu baaqaynaa:
 saddexda xisbi qaran inay dardar galiyaan ololaha diwaangalinta madaniga ah oo ah xilkooda koowaad, mar hadii ay matalayaan shacbiga ay codka ka sugayaan taasoo ah danta qaranka in la helo codbixiyayaal si loo helo doorasho xaq ah.
 xisbiyada qaranku oo aad moodo inay ku halaynayaan xukuumada marka la eego hawlgal la’aanta iyo dhiirigalin la’aanta muwaadiniinta in ay qaataan kaadhka aqoonsiga ilaa intii ay golayaashu ansixiyeen xeerka diwaangalinta oo wakhti laga joogo.
 warbaahinta maxaliga ah ee madax banaana inay kaalintooda ka qaataan ee yoomiga ah oo ay dadka ku hagaan qaadashada kaadhka taasoo ay ku soo saaraan halku dhigyo iyo maqaalo tirtirsiin galinaya qaadashada kaadhka aqoonsiga ah.
 TV-yada Somaliland ka hawlgala waxa iyagana xil ka saaran yahay wacyigalinta muwaadinka oo ay doorkooga ka ciyaaraan qaadashada kaadhka diwaangalinta.
 Waxa ururada bulshada looga baahan yahay in ay doorkooda ka qaataan wacyigalinta in lagu tirtirsiinayo muwaadinka qaadashada kaadhka diwaangalinta ah taasoo ilaa hada codkooga iyo guubaabadooda qaadashada kaadhadhka ay yar tahay.
Kaftan ahaan murashaxiinta jagada madaxtooyada guushoodu waxay ku xidhan tahay helitaanka diwaangalin madaniga ah oo fure u ah codbixinta doorashada madaxtooyada markaa yaad ku halaynaysaan qaadashada kaadhka diwaangalinta.
Xasan Suudi Xirsi
Siyaasi madax banana
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment