Tuesday, October 7, 2014

Nuxurka Kulan Madaxweynaha Somaliland iyo Dawladda Ingiriiska maanta ku dhexmaraya Markab Dagaal Dushii

Maxaa lagaga hadlay Kulankii shalay dhexmaray Madaxweynaha iyo Safiirka Ingiriiska?

Hargeysa, 07 Oct, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo uu weheliyo weftiga ka socda dawladda Ingiriiska, ayaa maanta u amba-baxaya magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, halkaas oo Markab laga leeyahay dalka Ingiriiska oo ku soo xidhanaya Dekedda magaalada Berbera uu kulan kula qaadan doono saraakiil ka tirsan ciidamada Badda ee Ingiriiska.

markabKulanka maanta badda guudkeeda ku dhexmaraya Somaliland iyo Ingiriisku ku jiro, ayaa ka soo baxay kulan shalay magaalada Hargeysa ku dhexmaray madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan waddamada Somaliland/Somalia danjire Neil Wigan oo shalay booqasho ku yimi Somaliland.

Kulanka shalay ku dhex-maray aqalka madaxtooyada, waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyn ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirrada Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Markii kulankaasi dhammaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Danjire Neil oo si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay xarunta madaxtooyada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu faahfaahiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen weftiga Ingiriiska iyo marti-qaad madaxweynaha loogu fidiyey kulan ka dhacaya Markab dawladda Ingiriisku leedahay oo ku soo xidhanaya Xeebta dekedda Berbera.

“Waxaanu ka wada-hadalnay arrimo badan oo khuseeya nabadda iyo nabad-gelyada meesha taala. Waxaanu ka wada-hadalnay shirka soo socda ee ka dhacaya Ingiriiska bisha 14-keeda oo dawladda Ingiriisku u qabanayso Somaliland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa lagu soo casuumay inaanu u raacno Berbera oo markab sidii sannadkii hore oo kale booqanno. Waxyaabaha kale ee aanu ka wada-hadlay waxa ka mid ah doorashooyinka iyo halka horumarka dalku marayo,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Dhinaca kale Safiirka Ingiriiska ee Somaliland/Somalia, ayaa faahfaahiyey ujeeddada socdaalkooda iyo waxyaabaha lagu soo qaaday kulanka madaxweynaha dhexmaray, waxaanu yidhi, “Farxad bay ii tahay inaan Markale ku suganahay magaalada Hargeysa, waxaana sharaf ii ah inaan Saaka kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland. Sidii aan saaka (shalay subax) Madaxweynaha ku idhi oo kalena , xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Britain waa mid marba marka ka dambeysa la isaga sii dhawaanayo , oo ka sii xoogaysanaya dhinac kasta, laga bilaabo Amniga, dhaqaalaha, sida aynu ka arki doono shirka todobaadka dambe, laakiin sidoo kalena xoojinta dhaqaalaha, iyadoo sanduuqa dhaqaalaha Somaliland uu yahay Mashruuc kobociisu aad u sii kordhayo.”

Safiirka Ingiriisku waxa uu sheegay muhiimadda kulanka maanta markabka dushiisa ku dhexmari doona madaxweynaha Somaliland, kaas oo noqonaya markii saddexaad ee markab ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Ingiriiska uu ku soo xidho dekedda Berbera. Waxa uu sheegay inay kulankaas ku soo bandhigayaan natiijada tabobare dawladda Ingiriisku u fidisay ilaalada Xeebaha Somaliland iyo tabobarro hor leh oo loo samayn doono ilaalada Xeebaha Somaliland.

“Booqashada Markabku , waa markii saddexaad ee aanu booqasho ku tagayno halkan Markabka Ingiriiska oo aanu kala ballan sanayn dowladan, waxaanu si aad ah u ballan qaadnay tababar aanu siino ciidamada Somaliland ee ilaalada xeebaha, Markalena waa markii saddexaad ee aanu ku soo bandhigayno tababarkii aanu bixinaynay oo si fiican oo sidii la rabay ah u sii socda.”

Ergayga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Sidoo kalena waa arin muujinaysa xidhiidhka wanaagan ee dhinaca siyaasada ee ka dhexeeya labadan Dowladood, Xaqiiqada waftiga uu Madaxweynaha Somaliland hogaaminayo iyo masuuliyiinta faraha badan ee la socotaaba markale ku imanayaan Markabku waa mid muujinaysa isku dhawaanshaha dowladayda iyo Dowlada Somaliland,” ayuu yidhi Safiirka Ingiriiska ee Somaliland/Somalia.

No comments:

Post a Comment