Monday, October 13, 2014

Orodyahanka Oscar Pistorious Oo Niyadjab Ka Muujiyey Hannaanka Dacwaddiisu u socoto

Pretoria:Oct,13,2014(Himilo)-Qaar kamid ah Markhaatiyaasha Difaacaya Orodyahanka Reer South Afrika ee Oscar Pistorious, ayaa sheegay inuu orodyahanku maalinba maalinta kasii dambaysa uu sii qaadayo Niyad Jab ballaadhan, xilli Dacwadda ka dhanka ah lagu dhawaaqi doono maalmo kadib.

feegDr Lore Hartzenberg, oo ah dhaqtarka dimirka ee Mr Pistorius, ayaa u sheegay maxkamadda in ciyaaryahanka uu ka niyad jabay in uu lumiyey qadarintii uu ku dhex lahaa bulshada.

Waxaana uu sheegay inuu dareemaya inuu noqdey qof aan micno lahayn marka loo eego sumcaddii uu Bulshada ku dhex lahaa.

Mr Pistorius, ayaa bishii la soo dhaafay lagu helay dil aan ku talagal ahayn in uu u geystay gabadh ay saaxiibba ahaayeen.

 

Orodyahankan ayaa haatan sugaya xukun lagu rido, isagoo muujiyey inuu ku faraxsanayn sida ay hawluhu u socdaan.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment