Wararka Hordhaca ah ee Qaraxaas kasoo baxaya ayaa sheegaya inuu ka dhasay Qarax lagu xidhay Baabuur uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidamada sirdoonku, kaas oo noloshiisa warar is khilaafsani kasoo baxayan, waxana sidoo kale la xaqiijiyey dhimashada laba qof oo kale oo kamid ahaa dadkii halkaas ku sugnaa.Qaraxan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ugu 10-qof oo shacab iyo askartii ilaalada u ahaa sarkaalka, waxaana qaraxan uu ka dhacay goob jaadka lagu iibiyo, waxaana xilliga uu qaraxu dhacayay uu sarkaalku qaad ka qaadanayay xaaskiisa oo jaad iibisa.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu arkay dhimashada ilaa laba qof oo sarkaalkii gaadhiga watay uu ku jiro, uuna arkay dhaawacyada toban ruux oo kale, wuxuuna xusay in dadka goobta ay waxyeelladu ku gaadhay ay u badnaayeen shacab.
Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo xaqiijiyay qaraxa dhacay, isagoo sheegay inuu ahaa mid ku xidhnaa gaadhiga uu watay sarkaal ka tirsan nabadsugidda Qaranka, laguna howlan yahay sidii dhaawacyada loo gaadhsiin lahaa isbitaallada iyo goobaha caafimaadka.
Ilaalada sarkaalka ayaa la sheegay inay ka go'een lugaha iyo qaybo kale oo jidhkooda ka mid ah, waxaana sidoo kale si xun ugu dhaawacmay haweenkii jaadka iibinayay iyagoo goobaha caafimaadka loo qaaday iyagoo aad u liita.
Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxan, kaasoo ku soo beegmaya xilli habeen ka hor uu Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo sababay dhimashada badan oo shacab ah iyo dhaawaca kuwo kale.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment