“Waar ma garanayno! Iyaga weydii dee! Cidda wadda (diiwaangelinta madaniga ah) weydii annagu Sharcigaasaannu ku shaqo leenahaye!...” Guddoomiye Ku-xigeenkii Koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland
Hargeysa, 15 Oct, 2014 (Himilo)- Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa is-hor-taagay, isla markaana sheegay inay hakad geliyeen Xeerka diiwaangelinta Madaniga iyo ta cod-bixiyeyaasha doorashada oo dhawaan Golaha Wakiilladu u gudbiyey, ka dib markii ay Mudanayaasha Wakiilladu Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyeen Xeerkaas iyo Ajande dhigaya in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada isku hal mar dalka laga qabto.
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali oo Warbaahintu wax ka weydiisay markii laga soo baxay fadhiga Golahaasi shalay yeeshay oo lagu fasaxay Mudanayaasha, sababta ay sababta ay Guurti ahaan u hakiyeen Xeerarka diiwaangelinta oo qorshuhu ahaa in Sharcinnimadiisa la dedejiyo si aan habsankiisu u keenin dib-u-dhacyo ku yimaadda diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo Sharcinnimada diiwaangelinta Madaniga ah ee dalka ka bilaabantay, waxa uu ku dooday inay u hakiyeen Xildhibaanno uu xusay inay labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada ka kala tirsan yihiin Dhukumenti ay ku cambaaraynayaan qodobbo Xeerkaas ku jira, isla markaana ku sheegayaan in nuqulka Xeerka ee Wakiilladu u gudbiyeen Guurtida ahayn Xeerka Mudanayaasha Wakiilladu aqlabiyadda ku ansixiyeen.“Horta waad la socotaan Xeerkani wuxu ahaa Xeer Xasaasi ah oo in badan Axsaabta Mucaaradka ahi ay ka hadlayeen, qodobbo ka mid ahna ay had iyo goor durayeen, ugu dambayntii markii la isugu yimi kulammo Xukuumadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Axsaabta Mucaaradka ahi yeesheen waxbaa la isla gaadhay, qodobbaa la isla gaadhay, qodobbadii la isla gaadhayna iyagoo lifaaq ah waxa loo soo gudbiyey Golaha Wakiillada. Golaha Wakiillada Xeerka Guddi baa loo dhiibaa, Guddigiina Golahay u soo gudbisay wixii ay aragtideedu ahayd. Marka lagu daro Nuqulkii ay Guddigu soo gudbisay iyo Kii Madaxtooyadu u soo gudbisay Goluhu dee intaas ayuun buu ansixiyey.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali.
Waxaanu intaas ku sii daray hadalkiisa oo uu yidhi, “Annaga waxa jira Xubno ka mid ah Golaha (Wakiillada), ayaa Dhukumenti noo keenay, kaasoo ay ku eedaynayaan ama wax kaga sheegayaan in ay jiraan faraqyo u dhexeeya kii Goluhu anisixiyey iyo kan la soo gudbiyey, sidaa darteed, ayaannu annaguna u yara hakinnay, maaddaama oo Goluhuna fasax galayo, Golihii kalena fasax ku jiro, si aannu bal isula akhrino, isulana meel-dhigno labada Koobbi ee la sheegayo oo isula akhrino ugalana tashanno Shir-guddoonka Golaha Wakiillada. Laakiin, wax hakis ah oo gaar ah oo Shir-guddoonka ka yimi ma jiro.”
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali oo la weydiiyey xubnaha Xildhibaannada ah ee uu sheegay inay Dhukumentiga Guurti ahaan u soo gudbiyeen labada Gole ka ay ka tirsan yihiin, waxa uu ku jawaabay, “Xubno Guurtida ka mid ah weeyaan iyo Xubno Wakiillada ka mid ah labaduba waa noo keeneen. Annaguna waxaannu diidaynaa maaddaama oo uu Xeerku Xeer xasaasi ah yahay inaannu ku deg-degno oo hadhawto hadallo ka yimaaddaan. Markaa, annaga iyo Shir-guddoonka Wakiillada ayaa isla hubinayna,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Md. Siciid Jaamac Cali oo sidoo kale la weydiiyey qodobbada Xeerka ka midka ah ee ay Xildhibaannada Qoraalka u gudbiyey Guurtida sida uu sheegay ku doodayaan in qaladaad ku jiraa kuwa ay yihiin, waxa uu yidhi; “Anigu hadda qodobbada waxba idiinka sheegi maayo, waxa weeyaan wixii qodalani (Xildhibaannadu) ay noo keeneen annaga iyo Shir-guddoonka Wakiillada labada Shir-guddoon ayaa isla hubinaaya.”
Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Guurtida oo ka jawaabayey su’aal Wariye ka tirsan Wargeyska Himilo ka weydiiyey in ay diiwaangelinta Madaniga ahi dalka ka bilaabantay oo ay socoto oo isaga Laftiisu shalay ahaan isa-soo diiwaangeliyey sida ay sharci u noqon karto, maaddaama oo weli Sharciyaddii xalaalaynaysay muran ka taagan yahay, waxa uu yidhi; “Awal siday Sharci u ahayd? Xeerkii oo aan la ansixin baa awalba la wadaye siday sharci ku ahayd?.”
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali oo gebo-gabadii la weydiiyey su’aal kooban oo nuxur badnayn oo ahayd; Guddoomiye markaa ma Sharci-darradaas baa lagu wadayaa (diiwaangelinta)? Waxa uu ku jawaabay, “Waar ma garanayno! Iyaga weydii dee! Cidda wadda (diiwaangelinta madaniga ah) weydii annagu Sharcigaasaannu ku shaqo leenahaye!.”
Hase-yeeshee, Golaha Guurtida Somaliland ayaa isla Salaasadii shalay galay fasaxoodii caadiga ahaa oo dhan muddo 45 maalmood ah, halka uu Golaha Wakiillada oo 30-kii bishii hore ee September ee sannadkan markii ay Xeerarkan aqlabiyad ku ansixiyeen iyaguna fasax 45 maalmood ah galay, iyadoo qorshuhu ahaa marka hore in la dedejiyo hirgelinta Shuruucda diiwaangelinta si aan dib-u-dhacyo ugu iman diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo ay ahayd dib u dhiggeedii ugu dambeeyey in bisha December ee sannadkan la qabto iyo doorashooyinka oo wakhtigoodu ku eg yahay badhtamaha sannadka soo socda ee 2015-ka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment