Sunday, October 19, 2014

Shirkii Burco iyo 17-Kii Qof ee Saxeexay Gooni-isu-Taaga Somaliland-W/Q: Cali Cabdi Coomay

Shirkii Burco ee 27/3/1991
Shirkaasi wuxuu bilaabmay goor casar ah, xaafada shacabka ee Burco. Shirkan oo ay gadhwadeen ka ahaayeen jabhadii S.N.M waxa guddoominayey, guddoomiye ku xigeenkii S.N.M Xasan Ciise Jaamac, wuxuu sheegay in shirkani yahay mid lagu walaalaynayo shacabkii somaliland ee Taliskii Max’ed Siyaad hubka isugu dhiibay. Halkan waxaynu isgu nimid inaynu beelaha reer waqooyi (somaliland) isku turxaan bixiyaan. Iyadoo la tixgalinayo go’aamadii shir beeleedkii Burco ayuu golihii dhexe ee S.N.M ku dhawaaqay in somaliland tahay Qaran madax banaan 18/5/1991. Muddo yar ka dib waxa la dhisay dawladii ugu horaysay ee somaliland yeelato. Dawladaasi waxa ragaadiyey khilaafaadkii jabhadii S.N.M oo toban sanno huursanaa, hawlihii loo xilsaaray way gudan kari waayeen, markii dagaallo hoose ka dhex-qarxeen. Golohoodii wakiiladanu waxa u qabsoomi waayey shirkii, ka dib markii Prof. Ibraahin Maygaag Samatar Oo Guddoomiyaha ahaa isugu yeedhay dhawr jeer.Shirka Walaalaynta Beelaha Woqooyi, kaasi oo qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27/Abril/1991-05/June/1991-kii, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.
Qodobadii shirkan ka soo baxay oo ahaa lix qodob:
1. In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur
2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka
3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi
4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi
5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi
6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah.
Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku. 17-ka Qof waxay kala ahaayeen:
Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye
Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir
Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi
Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye
Suldaan Ismaaciil Muuse
Suldaan Rashiid Suldaan Cali
Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud
Axmed Sheekh Saalax
Sheekh Daahir Xaaji Xasan
Axmed Xirsi Cawl
Suldaan Maxamed Jaamac
Xasan Cumar Samatar
Maxamed Warsame Shiil
Garaad C/Qani Garaad Jaamac iyo
Suldaan Cali Muuse iyo
Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa Xoghayaha Shirkaasi
Markii ergada shirka Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya
shirku u akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo
jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday.
Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirka Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad. Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon kaddib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha.Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa:
1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah
2. In muddaddaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo.
3. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni noqdo Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah.
4. Waxa kal-fadhigii 2aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
The Search For Peace oo ay soo wada saareen APD, Interpeace iyo Diiwaanka Dhaxal-
reeb Horaad ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment