Mr Kenyatta ayaa loo haysta dacwaddo la xidhiiidha in uu ku lug lahaa rabshadihii ka dhacay Kenya sanadkii 2007-dii markii la isku khilaafay natiijadii doorashooyinka madaxtinimada, waxaana ku dhintay rabshadaha inka badan 1,000-qof.Maxkamada Hague ayaa ku eedeysay Dowladda Kenya in aanay u soo gacan gelin dukumintiyo muhiim ah oo cadeynaya in uu galay dambiyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha, balse waxaa beeniyay Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya.
Madaxweynaha Kenya ayaa beeniyay kiisaska loo haysto isagoo ugu yeedhay in la tuuro dacwada lagu soo oogay, waxana uu ku andacoonayaa inaanu wax dembi ah gelin.
Muwaadinin Kenyaan ah ayaa maxkamada horteeda ka dhigay banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan dacwadda loo haysto Madaxweynahooda, waxana ay ku baaqeen in la laalo kiiska loo Haysto Madaxweynahooda.
Waxa la filayaa inay maxkamaddu soo saarto Natiijada Kiiskan, waxana Hadalka lagu difaacayo madaxweynuhu u igmaday Qareen gaar u ah, isaguna Maxkamadda Horteeda wax Hadal ah kama uu hor odhanin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment