Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa sheegtay in al-Shabaab ay rabaan in ay weeraro ka fuliyaan Burundi oo kamid ah waddamada ciidamada nabad ilaalineed u direy Soomaaliya.Mareykanka ayaa uga digay muwaadinintiisa in ay u safraan wadankaas iyadoo shaqaalaha safaaradda la faray in aanay socon xilliyada habeenkii.
Kooxda al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliyey wadamada Kenya, Djibouti iyo Uganda oo ay ciidamo ka joogaan dhulka Soomaaliya.
Shabaabka ayaa hore weeraro dad badani ku dhintee ka fulisay Dalal ku yaalla Afrika oo ciidamadoodu ka joogaan Somalia, waxana dalalkaasi ay qabaan cabsi aan kala go’ lahayn.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment