Feedhyahankan oo intii aanu islaamin magaciisa la odhan jirey, Cassius Marcellus Clay Jr, ayaa la sheegayaa in xaakiisu gaadhay inuu hadlaka soo celi kari waayo.Halyeygii feedhka, oo haatan 72 jir ah, isla markaana la legdamaya cudurka dila unugyada maskaxda ee Parkinson’s disease oo sanado hayay, ayaa haatan guriga kusoo ururay.
Wuxuuna walaacu sii kordhay kadib markii uu todobaadkan ka baaqday ka qaybgalka munaasabad lagusoo bandhigayay filim laga sameeyay taariikh-nololeedkiisa todobaadkii tegey, isagoo aan sidoo kale ka qayb qaadan duubistiisa.
Mar uu ka hadlayay film-kan oo la yidhaahdo ”I Am Ali in Hollywood” ama waxaan ahay Caliga Hollywood, ayuu walaalkii Rahman, 71 jir, wuxuu u sheegay warsidaha the Sunday People: “Arrintan walaalkay kalama hadli karo, maxaa Yeelay wuu bukaa.”.
“Si wanaagsan uma hadli karo. Balse wuu ku faanayaa inaanu halkan dartii u joogno. Film-kana wuu amaanay.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Qofka kasoo jeeda Qoyska Reer Kaley.
Film-kan ayaa diirrada saaraya nolosha feedhyahankan burjaawiga ah oo 3 jeer noqday horyaalka feedhka miisaanka culus ee adduunka.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment