
Arrintan ayaa shaaca lagaga qaaday Maxkamada magaalada Mombasa, kadib markii ay aqalka Senet-ka codsi u direen, si warqad caalami ah oo afartaasi qof lagu xidhayo loo soo daabaco.
Kaaliyaha agaasimaha dacwad oogayaasha qaranka Alexander Muteti ayaa sheegay in ragan oo kala ah Baktash Akasha Abdalla, Vijaygiri Anandgiri, Ibrahim Akasha Abdalla iyo Gulam Hussein ay Police-ka sheegeen in xabsiga ay ku heyn doonaan mudo 21 maalmood ah si baadhitaano dheeri ah loogu sameeyo.
Police-ka ayaa eedeysanayaashan gacanta ku dhigay iyagoo maandooriye ku dhex heystay guri ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimada dalka.
Maxkamada ayaa wali sii wadi doonta dhageysiga codsiga ay Senet-ka u soo gudbiyeen.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment