Dawladda Ingiriiska oo waddamada bixinta Dhaqaalahan laga sugayo, ayaa sheegtay inay tallaabada ku habboon ee bixinta kharashka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay qaadi doonaan wixii ka dambeeyey ansixinta Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo Golaha Wakiilladu maalinta Sabti ah u ballansan yihiin in xil-gudashadooda la xallaaleeyo.

“Waxa jira sababo muuqada oo hortaagan fulinta ballanqaadkii dhaqaalaha weli. Marka la ansixiyo xubnaha komiishanka cusub ee doorashooyinka, waxaan heli doonaa fursad aan hore ugu dhaqaaqno,” Sidaas ayey tidhi Ms. Lizzie Lovett oo ka jawaabaysay su’aal uu arrintan ka weydiiyey Weriye Maxamuud Walaale oo ka tirsan Bahda Himilo.
Haweenaydan ayaa sidoo kale ka hadashay aragtida dalkeeda ee ku saabsan xalinta khilaafkii u dhexeeyey golaha Wakiillada, waxaanay tidhi, “Waan ku faraxsan nahay in xal loo helay, waxaanan taageeraynaa go’aan kasta oo xaqiijinaya in jihadii doorashooyinka loo dhaqaaqay.”
Golaha Wakiillada Somaliland oo fadhigoodu shalay ku ansixiyey Ajandaha kalfadhigooda 26aad, ayaa maalinta Sabtida ee todobaadka dambe u ballansan anixinta Guddiga Doorashooyinka, taas oo ah shuruudda kaliya ee Qaadhaan-bixiyeyaasha taageera doorashooyinka Somaliland ku xidheen bixinta kharashak diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Dhina kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa shalay kulan la qaagtay saraakiil ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, kuwaas oo ay ka wada-hadleen arrimo khuseeya doorashooyinka, gaar ahaan Ansixinta Guddiga doorashooyinka iyo Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo uu sheegay inay yihiin laba caqadood oo hortaagan diyaar-garowga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo loo muddeeyey inay dalka ka dhacdo badhtamaha sannadka soo socda.
“Waxaan la kulmay qolo ka socotay Dawladda Ingiriiska oo ka socday wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo safaaraddooda Addis Ababa. Guud ahaan Xaaladda dalka ayey iga waraysteen. Waxa kale oo aanu ka wada-hadallay iskaashiga Somaliland iyo dawladda Ingiriiska,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo shalay warbaabinta kula hadlay magaalada Hargeysa.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Doorashada in wakhtigeeda la qabto, shacbigu wuu taageersan yahay, bulshada caalamkuna way taageersan tahay. Ka wada-hadalnay waxyaabo Doorashada ku saabsan. Komishanka arrintiisa waanu ka wada-hadalnay iyo Xeerkaas (Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha) oo Guurtida ku maqan. Komishanka waxaanu ansixin doonaa Sabtida, Xeerkana marka uu guurtida ka yimaaddo ayuunbaa la ansixinayaa, labadaas qodob uunbaa innaga qabyo inau ah markay doorasho noqoto.”
No comments:
Post a Comment