Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Turkiga, Raysal-wasaaraha dalkaas Ahmet Davutoglu, ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay madaxweynaha Falastiin Mahmoud Cabbas iyo hoggaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, Khaled Mashaal, waxa uu u sheegay in dalkiisu garab taagan yahay shacabka Falastiin, isla markaana ay diyaar ula yihiin taageeradii ay markii horeba ku garab-joogeen.

Raysal-wasaare Davutoğlu waxa uu sheegay inaanay dawladda Turkigu ilaawi doonin muhiimadda magaalada barakaysan ee Quddus u leedahay Islaamka isla markaana ilaalinteeda wax kasta u samayn doono, inkasta oo uu xusay in beesha caalamku iska idho-tirayso weerarrada lagu hayo shacabka Falastiin.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sidoo kale jeediyey hadallo la mid ah dhawaaqa raysalwasaaraha mar uu shalay ka dhoofayey madaarka magaalada Ankara, isaga oo cambaareeyey weerarrada ciidamada Yuhuudu ka wadaan masaajidka Al-Aqsa ka hor intii aanu u bixin socdaal uu ku tegay dalka Turkmenistan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment