Hargeysa, 13 Nov, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) iyo wefti xisbigiisa ah oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa shalay booqasho ku tagay Guriga lagu qabtay shirweynihii u horeeyey ee ay isugu yimaaddaan beelaha ku dhaqan Somaliland oo 18-kii bishii May 1991-kii lagaga dhawaaqay Dib-ula-soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.

Sahra Axmed Cabdilaahi (Sahra Halgan) oo weftiga guddoomiyaha Waddani ku wehelinaysay, ayaa ugu horeyn ka hadashay taariikhda iyo qiimaha dhismaha gurigaasi ku leeyahay Somaliland, waxaanu tidhi, "Waxaanu taaganahay meeshii lagu aas aasay laguna goostay Somaliland ee 18-May-1991-kii, Illaahay ayaa maanta igu simay in aan halkan aan imaado oo waxaan la socday Xisbigayga WADDANI, waxaan tusaayey meeshani in maalintii Somaliland la goostay ee aan ka heesayey in ay ahayd meel aad u qurux badan,meesha lagu soo hirto oo dee waad arkaysaan, waxaanan doonayaa in uu tirada ku darsado Insha Allah marka uu madaxweynaha noqdo haddii Illaahay yidhaahdo,oo uu dee waxaan u malaynayaa meesha ina haysataa waa meeshane dib loogu soo noqdo,”ayey tidhi Mujaahidad Sahra Halgan.
Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) oo sida oo kale isna halkaasi ka hadlay, ayaa yidhi, "Runtii waxaa ay noo tahay farxad qaaliya in aanu goobtan taariikhiga ah soo booqano oo aanu booqasho ku nimi gobalka Togdheer magaalo madaxdiisa oo ah goobtii ay shacbiga reer Somaliland isaga oo isu dhan uu ku go'aansaday go'aankiisii taariikhiga ahaa ee in uu dib ula soo noqdo madax banaanidiisii, xoriyaddiisii, qaranimadiisii iyo dawladnimadiisii, waxaana haddii Alleh yidhaahdo ay halkani inooga baahan tahay in ay noqoto goob taariikhi ah oo aynu illaalino oo loo sameeyo dayr wayn oo taariikhi ah oo ay noqoto goob taariikhda Somaliland gasha, Jiilasha inaga dambeyaana ay dhaxlaan,” ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment