Monday, November 3, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay Inuu Xallinayo Cabashada Ka Taagan Dejeada Ciidamada Kala Duwan Ee Somaliland

Hargeysa:Nove,03,(Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin ka dhashay hannaankii loo qaybiyey Derejooyinka lagu taxay Ciidamada kala duwan ee Dalka, waxana uu ku adkaystay in arrintaas la xallin doono.

derMadaxweyne Siilaano oo maanta ka qaybgalay Xus loo sameeyey  Sanad-guurada 21-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidamada Booliska Somaliland, ayaa qiray tabashada jirta inuu ogsoon yahay, balse si degdeg ah xalkeeda loo raadin doono.

“waxan jecelahay inaan Halkan ka sheego in cabashooyin ka yimaadeen derejooyinkii aanu ciidanka siinay, waxana aanu leenahay taas derejooyinka waanu xallin doonaa, waxna waa ka Qaban doonaa.”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isagu muddo haatan laga joogo laba sano, waxa uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland yeelato eeku  dhiirrada inuu qaybiyo Derejada ciidamada dalka, waxana uu arrintaas ku helay ammaan iyo bogaadin farabadan, maadaam ay ahayd arrin madaxweynayaashii ka horreeyey ku dhiirran kari waayeen.

Qaybinta Derejadaas oo Guddi loo saaray, ayaa waxa kasoo noqday Cabasho ay muujiyeen Qaar ciidamada ka tirsani, waxana  isla-maalintiiba la sheegay in wax laga qaban doono,  balse wali halkeedii lagama qaadin.

Madaweyne Siilaanyo, ayaa isagu maanta mar kale ku dhawaaqay inuu xalka cabashadaas raadin doono, waxana ay arrintaasi  niyadda shacabka gelinaysaa Yididiilo tilmaamaysa in si degdeg ah wax looga qaban doono cabashada jirta.

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment