Gunaanadkii Shirka Horumarinta Gabiley iyo Ballan-qaadkii Xukuumadda
Gabiley, 30 Nov, 2014 (Himilo)- Marwada Koowaad ee Madaxweynaha iyo Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada, Maaliyadda, Wershadaha, ayaa ka hadlay xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo reer Gabiley, isla markaana waxay sheegeen inaanay ahayn wax lagu murmi karo gobolnimada Gabiley, Xukuumadduna ula dhaqanto gobol ahaan, balse wixii sharci ahaan uga dhiman gobolnimada Gabiley si dhakhso ah Baarlamaanku u dhammayn doono.
Masuuliyiintan oo ka qaybgalay Shir lagaga hadlayey qorshaha horumarineed iyo sida ay baahiyaha gobolkaasi u kala horreeyaan iyo wixii ka qabsoomay sannadka dhammaanaya oo saddex cisho ka socday magaalada Gabiley oo shalay fiidkii lagu soo gebogabeeyey halkaas. Waxaanay Masuuliyiintani ballan-qaadeen in wax kasta oo ay la qaban karto reer Gabiley diyaar u tahay, iyagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay dacaayado ay sheegeen in Mucaaradku jeediyaan oo ku sheegaan inaanay Xukuumaddu gobol u aqoonsan Gabiley.
Marwada Koowaad ee Somaliland Aamina-Waris Sheekh Maxamed Jirde oo halkaas ka jeedisay hadal ay kula hadlaysay dadweynaha reer Gabiley, waxaanay tidhi; “Gabiley iyo dawladda KULMIYE la isu sheegi maayo, waa laba is-yaqaan oo midba ka kale waxa uu gudo yaqaan, Gabiley waa gobol, cidna ka baryi mayso, dawladda uu Axmed Maxamed Maxamuud Odaygaygu gadh-wadeenka ka yahay-na afartaa sano ee ay joogtay Gabiley gobol ahaan bay ula dhaqmaysay, sababta oo ah waa gobol. Tii sharciyaddana waakii Xildhibaanku innoo sheegay oo Baarlamaanka ayay ku xidhan tahay, waxa fududaynaya Xeerka Caasimaddu markuu inna dhaafo Gabiley gooni bay isu taagaysaa, Gabiley waynu riixaynaa, inta sharcigu imanayana gobol baannu ula dhaqmaynaa, waanan ula dhaqmaynay, Isu-duwayaashii baa jooga, Badhasaabkii baa jooga, waa gobol, waa gobol Gabiley.”
“Gabiley Madaxweynuhu inay gobol tahay beenaale markhaatigiisuu fogeeyaaye waxaa ka markhaati-kacaaya gobolka keliya ee saddex Wasiir leh ee aan Caasimadda Maroodi-jeex ka ahayni waa Gabiley, waa saddexdaa Wasiir ee qaaliga ah ee Wasaaradaha muhiimka ah jooga.” Sidaa ayey tidhi Marwada Koowaad ee Madaxweynuhu. Waxay Marwo Aamina-Waris sheegtay inay Xukuumaddu dhegaysan doonto cabashada reer Gabiley, taladooda iyo waxay u soo gudbiyeen-ba, iyadoo xustay inay reer Gabiley yihiin Baalasha ay Xukuumadda talada haysaa ku duusho oo aanay kala maarmin.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo xidhitaankii shirkaas ka hadlay, ayaa sheegay in gobolka Gabiley yahay mid ku suntan horumarka dalka, waxaanu yidhi; “Gobolka Gabiley waa gobol ku suntan horumarka dalka, waa gobol ku suntan taageerada uu u hayo Xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynaha, been kama sheegi karno, Annaguna weli ololihii maannaan bilaabin ee marka ololaha la gaadho si weyn baannu u hadli doonnaa.” Waxaanu intaas ku daray oo uu sheegay Wasiir Samaale inay Xukuumadda talada haysaa mashaariic horumarineed ka fulisay gobolka hadday waddooyin tahay iyo hadday horumarin kale tahay-ba.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Reer Gabiley inay yihiin dad tan iyo halgankii xadhigga meel ka wada jiidayey oo aan Shaqsiyaad wax kale ka sheekeeyey kala fogeyn karin. “Saddex qof oo hadlay waxba ma dhimayaan. Waxa weeyaan Madaxweynuhu Axmed-Siilanayo iyo Reer Gabiley illaa halgankii illaa maanta waa dad xadhigga meel ka wada jiidayey. Waxaan u rejaynayaa Insha Allaahu Gabiley inay gaadho horumar.”
“Waayo? Gabiley waa meesha ay ku taamayso Somaliland inay kafayso, sidaa loo sheegayo WFB inay ka iibsanayso Raashinka, markaa Illaahay ha innala qabto innagoo meel xadhigga u wada jiidayna oo aan afmiishaaraynaynin oo Illaahay innagala xisaabtamayo, waxaan jeclahay innagoo isku duuban inaynu horumarka dhabta ah aynu gaadhno.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan. Waxaanay Wasiir Samsam sheegtay in Gobolnimada Gabiley aanay ahayn mid muran ku jirta ee ay tahay mid cad oo la gaadhay, isla markaana sharci ahaan waxa uga dhiman si dhaqso ah loo gaadhi doono haddii ILLAAHAY yidhaahdo. Waxa kale oo ay sheegtay inay Gabiley ka horumarsantay dhinaca Tacliinta, isla markaana ay Shan Boqol iyo Afartan Macallin ka gunnaysan yihiin wakhtigan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment