
Haseyeshee, waxa goobta shirka baarlamaanku ka socday la geeyey Ciidammo badan oo ilaalo ka hayey meelaha ku dhaw dhaw dhismaha baarlamaanka mooshinka ka hor, si ammaanka goobta la sugo.
Mooshinka kalsoonida loogu qaadayey xukuumadda ayaa ka dhashay khilaaf dhawaan kala dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaarahiisa Cabdiweli Sheekh Axmed, arrintaas oo sababtay in xildhibaanno labada dhinac kala taabacsan isugu hanjabaan mooshinno iska soo horjeeda oo midka kale lagu ridayo guddoomiyaha Baarlamaanka.
Deeqbixiyayaasha iyo bulshada caalamka ayaa ka digay in tani ay Soomaaliya ku hogaamin karto oo kaliya qalalaase iyo daganaansho la’aan siyaasadeed oo hor leh. Qaramada Midoobay, iyo dawlado kala duwan oo ay Masar ka mid tahay ayaa soo jeediyey in xal degdeg ah laga gaadho khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya.
Khilaafka madaxda Soomaaliya ayaa sababay in Dawladda Mareykanka oo ka mid ah qaadhaan-bixiyeyaasha waaweyn ee taageera Somaliya ay qaaddacdo shir heer sare ah oo ay ka qeybgali doonaan Madaxda Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo lagu wado in toddobaadka soo socda uu ka furmo magaalada Copenhagen ee waddanka Denmark oo lagaga hadlayo horumarka, taageerada iyo hirgelinta nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya iyo qorsheyaasha hirgelinta doorashooyin la doonayo inay Soomaaliya ka hana qaadda sannadka 2016-ka oo beesha caalamku u muddaysay inay Somaliya ka baxdo qalalaasaha iyo ammaan-darrada ka jirta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment