Friday, November 7, 2014

Sharaftii Timirta-W/Q Hamse Bashe Muhumed

Haddaba sidaan ka war qabno shaygan aan hada ka hadlayno oo ah timirta, ayaa ah shay sharaf iyo qadarin ku dhex leh dhirta dhexdeeda iyo cuntada islaamku quutaan.
Nabi maxamed CSW waxa uu ku tilmaamay geedka timirta in uu u eeg yahay muuminka dhabta ah kaas oo uu macno ahaan ku sheegay in geedkan timirtu aanu lahayn meel la tuuro oo la iska fogeeyo, ogow oo hadaad geed abqaasho oo aad beerto, marka uu gaadho wakhtiga goosashada waxa uu yeeshaa cuf iyo xashiish aan manaafacaad lahayn oo aanu ugu yeedhno Bal, ama caleen qalashay, dhir kasta oo la manaafacaadsado oo waxtar leh waxa uu leeyahay in xaabxaab ah oo aan waxtar badan u lahayn bulshada, Haddaba timirtu waa shay aan lahayn xubin la tuuro, Caleemaheeda, jirideeda, midhaheeda aan bislaan, kuwa bislaada, xididkeeda dhamaan kuwan waa kuwo manaafacaad u leh bulshada.

Sidoo kale midha timirtu waa kuwo uu macalinkeenii, sharafta iyo qadarinta lahaa ee Nabi Maxamed (Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) waxa uu inoo sheegay in qofka tiro kala dhiman oo timir ah cuna in aanu dhibayn shaydaanka iyo ishi toona.

Timirtu manaafacaad badan ayaa uu macalinkeenu NNKH inooga faa’iideeyey waana geed sharaf iyo qadarin ku dhex leh islaamka dhexdooda. Mida kale timirtu waxa aad uga baxdaa dhulka muslimiinta gaar ahaan caasimada islaamka ee MAKA IYO MADIINA iyo dhamaan dhulka barakaysan .

Haddaba timirtii sidaas ahayd ayaa waxa aad ku dhex arkaysaa magaalooyinka soomaalidu degto gaar ahaan kuwooda waaweyn in sharaftii laga qaaday, oo timirtii la soo wadhay meel banaana oo dukhsiga iyo boodhku is dul socdo, isla markaana aan si fiican loo daryeelayn.
Duqsiga iyo boodhka ama siigadu waa shay ku caan ah dhulka aan nadaafada ku fiicnayn ee xashiishka iyo qashinku is dhex yaalo, laakiin se waxa intaas ka daran in aad arkayso wax kaa nixinaya oo dadka timirta ka ganacsadaa ay sameeyaan, waxaana ka mid ah in ay timirtii si duqsiga uga celiyaan inay isticmaalaan walxo khalad ku ah caafimaadka sida Naaftaada, ama saliid lugu masaxo timirta agteeda iyo dusheeda, waxaana lugu duubaa jaraa’ido aan la aqoon halka laga keeno oo laga soo dhoofiyo waddamo reer galbeed oo kiimiko iyo wax caafimaadka waxyeelaya lugu maydho.

Haddaba si sharaftii timirta loo soo celiyo waxaan talo ka dhigayaa in timirta loo xidh xidho nooc kasta oo qof iibsan karo, in lugu xidho baco nadiif ah oo ah kuwa cadcad ee nadaafada leh laguna mooriyo, oo dadka timirta iyo xalwada ka ganacsadaa ay keenaan fikir ay ku sameeyaan nooc si warshadi samaysay oo kale ah, oo Laga daayo waxyaabaha lugu nadiifinayo ee aan fiicnayn. In qofka miisaya ama ka shaqaynayaa ay gacmaha gashadaan shay nadiif ah sida bac oo kale si aan nadaafadii timirta wax u yeelan, In lugu iibiyo meelaha nadaafadoodu badan tahay ee ka fog qashinka iyo duqsiga, In tanagyada iyo timirta furfuran lugu daboolo bac cad oo laga arki karo timirta isla markaana nadaafadeeda lugu ilaaliyo.


Mahadsanid
Hamse Bashe Muhumed
Xamse18@gmail.com

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment