Tuesday, November 4, 2014

Shir lagu lagu Qiimaynayo Wax-qabadka Mucaawimooyinka Somaliland oo Hargeysa ka furmay

Hargeysa, 04 Nov, 2014 (Himilo)- Waxa shalay magaalada Hargeysa ku qabsoomay shirka 7aad ee Isku-duwidda Mucaawimooyinka Somalialnd, kaas oo dib loogu naaqishayo isla markaana lagu qiimaynayo wax-qabadka iyo mashaariicda laga fuliyey maalgelintan Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo dhaqaalihiisa ay bixiyaan waddamo ka tirsan Midowga Yurub, kaas oo maamulkiisa ay gacanta ku hayso Xukuumadda Somaliland.
DSC_0371DSC_0278Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund) oo la aasaasay sannadkii 2013-dii, waxa maamulkiisa gacanta ku haya Xukuumadda Somaliland, waxaana loogu talo-galay in dhaqaalihiisa inta ugu badan lagu kobciyo ilaha wax-soo-saarka dalka iyo horumarinta Adeegyada Bulshada.
Shirkan oo madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) shalay ka furay Hotel Maansoor, Maalinta Berri ahna la soo gebo-gabayn doono, waxa ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Madaxtooyada, Xannaanada Xoolaha, Caddaaladda, Deegaanka, Ciyaaraha, Macdanta iyo Tamarta, Khayraadka Biyaha, Ganacasiga, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Madax kale oo ka socotay laamahada dawladda, Ururrada bulshada rayidka ah, kuwa dhallinyarada, Ganacsato, madax ka socotay deeqbixiyayaasha, gaar ahaan waddamada Midowga Yurub, dibloomaasiyiin, saraakiil ka socotay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah, Baanka Adduunka iyo Urur-goboleedka IGAD,
Shirkan oo sannadkii laba jeer laysugu yimaaddo, qaban-qaabadiisa ay iska leedahay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii lafo-gur loogu samayn lahaa mashaariicda ka fulay dhaqaalihii hore loogu bixiyey sanduuqa horumarinta Somaliland iyo warbixinaha xisaab-celinta mashaarciidaas iyo sida ay mudnaanta u kala leeyihiin, iyadoo la isku jaangoyn doono qorshayaasha sannadaha soo socda iyo meelaha u baahan in xoogga la saaro.
Madaxwaynaha Somaliland oo shirkaas furay, ayaa qaadhaan bixiyeyaasha uga mahad-celiyey wada-shaqaynta ka dhaxaysa xukuumaddiisa iyo taageerada ay ka geystaan sanduuqa Horumarinta Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo halkaas ka hadlay, ayaa si faahfaahsan uga warramay ujeeddada shirka iyo qodobada lagu lafogurayo oo uu sheegay inay tahay waxqabadka ka fulay mucaawinooyinka Somaliland la siiyo oo war-bixin loogu gudbinayo deeq-bixieyayaasha.
Mr Anderson oo ku hadlayey magaca dawladda Denmark, ayaa ka dhawaajiyey sida ay ugu qanacsanyihiin Horumarka Somaliland ay gaadhay isagoo xusay inay sii wadi doonaan deeqaha iyo mucaawinayooyinka ay siinayaan Somaliland. Sarkaalkani waxa kale oo uu ka hadlay xubin haweenka ah ee loo magacaabay Guddiga doorashooyinka oo uu sheegay inay soo dhawaynayaan.
Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo madaxdii ka socotay ka qaybgalayaasha shirkana dhammaantood, kuwaas oo dhammaantood wakiilladii ka socday deeq-bixiyeyaasha uga mahadceliyey taageerooda Somalilad.
Shirkan oo sannadkiiba laba jeer qabsooma, ayaa sannadkana waxa si gaar ah isha loogu hayo habka caawimada gaarka ah ee Somaliland (Somaliland Special Arrangement) ee ka mida barnaamijka loo yaqaano New Deal (heshiiska Cahdiga Cusub).

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment