Hargeysa, 02 Nov, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Somaliland Md Abiib Diiriye Nuur, ayaa ka hadlay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Xisbiga Kulmiye ka dhigay magaalada Gabiley, kuwaas oo dab-qabadsiiyey Calanka Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo xaflad dhoola-tus ah ku qabtay magaaladaas, arrintaas oo sababtay in loo xidh-xidho Weriyeyaal madax-bannaan oo tebiyey warka dhacdadaas.

Ugu horeyn, wasiirku waxa uu ka hadlayey dhacdo warbaahinta qaarkeed lagu baahiyey oo koox dhalinyaro ah oo Khamiistii todobaadkii bannaan-bax ay kaga soo horjeedaan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa ka dhigeen magaalada Gabiley, waxaanu yidhi, “Gabiley shirbaa xisbigu leeyahay baa lagu qabtay oo la doonayey in loogu jawaabo Axsaabta Mucaaradka ah ee hadashay. Waxa la yidhi boodhka halaga tumo maadaama wakhtigiiba iska soo dhawyahay, shirkaasina si fiican buu u qabsoomay. Markii laga soo baxay, wixii dhacay eed aragteen mashruuc buu ahaa; calankan la gubay iyo calanka kaba lagu baalashaynayey. Afar inanbaa la leexiyey oo inta meel la geeyey, ayaa lugahooda la sawiray iyo calankii oo gubanaya, waxaana lagu tilmaamayaa inay yihiin dadka reer Gabiley – hadday reer Gabiley yihiin iyaga oo mudaharaadaya oo calanka lulaya, ayaa la ina tusi lahaa, arrintaas iyada ahina samaysbay ahayd. Wax ay reer Gabiley shuqul ku lahaayeen ma ahayn, reer Gabilay waajibkoodii bay ka soo baxeen, shirkoodii bay qabsadeen,” sidaas waxa yidhi Wasiir Abiib Diiriye Nuur oo shalay ka hadlay shir-jaraa’id oo isaga iyo masuuliyiin xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ka tirsani ku qabteen xarunta Wasaaradda Wershadaha.
Abiib Diiriye Nuuxr waxa uu si adag u dhaliilay siyaasadda Xisbiyada Mucaaradka oo uu ku eedeeyey inay majaro-habaabiyeen, sifo khaldanna u isticmaalayaan doorkooda mucaaridnimo oo uu ku sifeeyey inay u xuub-siibatay xaasidnimo iyo aflagaado ay xukuumaddiisa la daba-joogaan, isaga oo ugu maah-maahay hal-hays uu ku masaalay xaasinimada uu ku eedeeyey Xisbiyada Mucaaradka.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland markii uu xisbiga ahaa ballaamihii uu qaaday intoodii badnayd way fuleen, indhaha caafimaadka qabaa way arkayaan, kuwase xannuunsanayaa arki maayaan. Waxaana la innaga soo taagay Immika mucaaraddadii si khaldan ayaa loo wadaa; waxay ahayd inay mucaaraddadu wax toosiso oo wixii khaldan ay dawladda farta ugu fiiqaan bay ahayd. Iska daa taase, tii la qabtay ee waajibka ahayd ayaa cay laga dhigayaa. Waxa immika laga soo taagay dalkeenni iyo dadkeennii ama mucaaradkeennii cay iyo aflagaaddo iyo xaasinimo,” Sidaas ayuu yidhi Abiib Diiriye Nuur.
Wasiirka Wershadaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Wax rag loogu maahmaaho maahee, dameer meel roobku ku da’ay oo qurux badan oo doog leh daaqaya, ayaa is-yidhi gooso Bur ka mid ah dooggii, show Burka Malaku-mowdkiibaa ku hoos-jira, kolkuu goostay buu arkay Malaku-mowdkii. Kolkaasuu Dameerkii naxay oo dib-u-istaagay. Markaasuu ku yidhi, ‘Ha Istaagin, waxaan ahayd Malaku-mowdkiiye, maxaad codsanaysaa?’ Dameerkii intuu hareeraha eegay oo Aradkii wanaagsanaa ee Quruxda badnaa sidaa u eegay, ayuu yidhi ‘Aradkaas oon Cidi iiga dambayn markaad iga qaaddo!’. Xaalka Mucaaraddada maantu waa kaa oo wixii la qabtaybaa la defirayaa.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment