Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu soo gebo-gabeeyey Shir saddex cisho ka socday Gabiley oo lagaga hadlayey qorshaha horumarinta gobolka Gabiley, waxaanu sheegay inuu gobolkaasi yahay gobolka horumarka Somaliland, loona baahan yahay in dedaalka dadkiisu ku jiraan ay intaas ka sii badiyaan.“Waxaan halkan ka sheegayaa oo run ah waxaan ku hayaa warbixinta Kastamka degmada Kala-baydh, ku talo-galka Miisaaniyadda 2014-ku waxay ahayd Boqol iyo Laba Bilyan buu ahaa illaa December, waxaa soo baxay Boqol, Siddeed iyo Soddon Bilyan illaa October, November weli lama galin xisaab-xidhkeedii, December-na way dambaysaa, waxaa dheeraad ku ah ku tala-galka Soddon iyo Siddeed Bilyan, Berberana la isma gaadhin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment