Tuesday, November 11, 2014

Wefti Guddoomiyaha Waddani Hoggaaminayo oo si ballaadhan loogu soo Dhaweeyey Berbera iyo Taageeraal tiro badan oo ku biiray

Berbera, 11 Nov, 2014 (Himilo)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, halkaas oo uu uga bilaabmay socdaal dhowr maalmood qaadanaya oo masuuliyiinta xisbigaasi ku marayaan magaalooyin ka tirsan saddexda gobol ee Saaxil, Togdheer iyo Daad-madheedh.
DSCN2816DSCN2801Weftiga Guddoomiye Cirro hoggaaminayo ee socdaalka shalay ku gaadhay magaalada Berbera, ayaa ka kooban Masuuliyiinta sar sare Xisbiga oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI, Afhayeenka Xisbiga, Guddoomiye ku xigeenka Shanaad ee WADDANI, Xoghayaha Xidhiidhada Goballada, Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Xoghayaha War-faahinta, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, Sahra Halgan, Xoghayaha ku meel gaadhka ah ee garabka dhalinyarada iyo masuuliyiin kale oo tira badan.
Dadweyne tiro badan oo isugu jira taageeraal iyo masuuliyiinta xisbiga ee heer gobol, ayaa weftiga guddoomiye Cirro kaga hortagay meel 10-KM u jirta magaalada Berbera, kuwaas oo ku gaashamanaa calanka Xisbiga iyo gaadiid lagu xardhay Astaanta Midabka Liimiga ah ee xisbigu leeyahay, kuwaas oo markii dambe weftiga u galbiyey Xarunta Xisbigu ku leeyahay magaalada, halkaas oo munaasibad soo-dhawayn ah loogu qabtay taageerayaal tiro badan oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ugu horeyn ka hadlay munaasibaddaas, ayaa yidhi, "Waxaa laga yaaba in aad tidhaahdaan Siciid Sagaal iyo Toban jeer ayaa uu halkan ka hadlay oo marba qolo ayaa uu sitaa, horta maanta waa goba'dii oo Saaxil ayaan sitaa, waxaan sitaa odaygeenii, waxaan sitaa guddoomiyaheenii, wax badan ayaa inta halkaa ay xoolo ka soo baxaan ayaaynu is nidhaahnaa kii kale ayaa uu dhaamayaa, kii yimaadaba tuunbada ayaa uu gashada meesha.”
“Waayadii aan halkan ka hadli jiray ee aan KULMIYE ahaa wax badan ayaan idhi anigu waxaan ula socday Berbera ayaan ugala naxayaa, haddii uu Daahir ka nixi waayey Siilaanyo ayaa ka nixi doona Berbera ayaan islahaa, Wallaahi baanu ka nixine hoos ayuu ka sii xigay Daahir Rayaale,"ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.
Sahra Axmed Cabdilaahi (Sahra Halgan) oo munaasibadda ka hadashay, ayaa dadweynaha reer Berbera uga mahad-celisay soo-dhawaynta ay ku qaabileen masuuliyiinta Xisbiga, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, "Aad ayaan ugu faraxsanahay sida qiimaha badan ee aad noo soo dhawayseen. Wxaan u malaynayaa in aydaan badidiinu jirin maalintii aan dalka u soo halgamay magaalada Barbera ee aan qolka maydka seexan jiray, waxaan u malaynayaa waxa aynu u soo halgami jirnay waxaa ay ahayd xaqa in waddankan lagu maamulo, Dastuurkaanu u codaynayin laynagu maamulo soo xaq maaha, sharcigaasi waxaa uu dhigayaa in qof wal oo yimaada Madaxweyne noqdaa uu sharciga inagu maamulo, waxaa sharciga ka xaaraan timaysan in dadka guryahooda loogu dhaco, sharcigeenu ma ogala, sharcigan cusub ee ay KULMIYE jeebada kala soo baxeena waxaan leenahay Jeebada ku celiya,"ayey tidhi Sahra Halgan.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dadweynaha iyo taageerayaasha xisbiga ee magaalada Berbera uga mahad-celiyey soo-dhawaynta ay ku qaabileen weftiga, waxaanay dhankooda niyad-sami ku soo dhaweeyeen taageerayaasha cusub ee xisbigooda u diga-rogtay.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo gebo-gabadii munaasibadda ka hadlay, ayaa uga mahad-celiyey taageerayaasha xisbiga soo dhawaynta ay weftiga ku qaabileen, waxaanu dadweynaha reer Berbera u qaddimay ballan-qaad ay isku ogaayeen, waxaanu yidhi, "Waxaanu marka hore aan u mahad naqaynaa aniga oo ka wakiila Xisbiga,madaxdiisa iyo waftigaba sida midaysan ee aanay u kala hadhin ee ay reer Berbera noo soo dhaweeyeen ayaanu ugu mahad celinaynaa rag, dumar iyo waliba Odayaalba.”
“Aniga oo halkaa soo socda, ninbaa waddada taagnaa oo dhawaaqayey,waxaa uu igu yidhi dawadii ma sidaa? Markii aan Ururka halkan aan ka furnay intaanu Xisbi noqonin, waxaan idhi Berberi dawo ayaa ay u baahan tahay, Dawadii waan idiin sidnaa, dawadu waxa weeye Berbera oo midaysan oo mid ah, Berbera oo aan laba ahayn, dawadiina waxaa aanu u soo dhiibnay Siciid Cilmi Rooble oo dadka ku mudi doona,"ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment