
Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo qoraal ay Wada-jir u soo saareen Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsani u Akhriyey Warbaahinta, ayaa sheegay in Danjire Nicholas Kay uu gef u geystay Hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay hadalkii uu sheegay mid nasiib-darro ah.
“Beesha caalamka waxaan ugu baaqaynaa inay joojiso faragelinta ay dalka ku hayso, isla markaana ay ilaaliso Dastuurka Soomaaliya u degsan, waxaanan si gaar ah u weydiisanaynaa Danjire Kay inuu raalli-gelin ka bixiyo hadalkii uu dhawaan sheegay.” ayuu yidhi Xildhibaan Maareeye.
Sidoo kale, War-Saxaafadeedka kasoo baxay Xildhibaannada ayaa lagu xusay in Erayada qoraalkii Danjire Kay uu Xafiiskiisa kasoo saaray 02 bishan November 2014-ka, uu yahay mid ka baxsan hab-dhaqanka dublamaasiyadda, meel-ka-dhacna ku yahay Dastuurka, xorriyadda iyo Madax-bannaanida dawladda Soomaaliya, sida ay qabaan shuruucda calaamiga ah iyo qodobka koowaad ee dastuurka dalka Soomaaliya.
“Wakiilku wuxuu meel uga dhacay sharafka iyo karaamada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya isagoo xiganaya warar suuqeed aan sal iyo raad toona lahayn, maqaamkiisana aan ku habboonayn,” ayaa lagu yidhi qoraalka ay Shalay soo saareen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Nicholas Kay, ayaa sheegay in khilaafka soo kala dhex-galay Raii'sul wasaaraha iyo Madaxwaynaha Soomaaliya uu halis ku yahay horumarradii ay dawladda Soomaaliya ka gaadhxasillinta iyo nabadeynta waddanka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment